(SAWIRRO) XAFLAD AY KU QALIN JABINAYEEN 60 ARDAY OO KA BAXAY SOMALI DIGITAL MEDIA ACADEMY OO MUQDISHO LAGU QABTAY

0

Xaflad aad loo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen 60 Arday oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho Machadka Somali Digtital Media Academy (SODMA). ayaa ka dhacday Qaybta Shirarka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee KM4 oo ay ku barteen Filim Soo Saarida Fiidiyowga (Films & Video Production)

Ugu  horayntii waxaa warbixin ku saabsan Aas-aaskii Akadeemiyadda iyo tirada Ardayda ka qalin jabinaysa ka bixiyay Gudoomiyaha  Somali Digital Media Academy Md. Axmed  Abuukar C/laahi isagoo ku dheeraaday doorka ay ka qaadan karaan ardayda wax ku baratay Warbaahinta Soomaaliya, gaar ahaan gabdhaha ka shaqeeyan qaybta  Wax Duubista iyo Kaamerada oo aad ugu yar yihiin

Wuxuu ku Dhiirageliyey  Gudoomiyahu Ardaydii qalin jebisay inay dadaalkooda halkaasi ka soo wadaan oo  aqoontooda ay sii kordhiyaan mustaqbalka, si ay Warbaahinta uga gaaraan meel sare

Waxaa kale oo xafladaasi ka hadlay Agaasimaha Sahal FM Radio Md. Aweys Xasan Maxamed (Codey)  isagoo ka soo sheekeeyay Taariikhdii ay soo mareen Sawir qaadista iyo Doorka Shariifka ah ee ay  leeyihiin qaybta wax duubista ee Warbaahinta; waxaana ugu baaqey Ardaydaasi qalin jebisay ay si hufnaan ugu shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda.

Waxaa kale oo isagana halkaasi hadalo qiiro leh iyo dhiirigalin  leh ka jeediyay Faarax Cabdi Warsame (Farah AP) oo Sawir Qaade ka ka tirsan Wakaaladda “Associated Press: (AP) oo khibrad u leh howlaha wax duubista isagoo ka sheekeeyay in Habluhu ay aad ugu yar yihiin qaybtani kuna dhiiri galiyay inay ku soo biiraan xirfaddan oo ah mid qiimo badan isagoo  tusaalooyin fara badan soo qaatay waxaana uu yiri  “Wariyaal tiro leh oo xirfadaasi u geeriyooday kuwana u curyaameen , qaar kalena ay ka baxeen Mihnada Saxaafada, kadib markii ay caqabaddo soo wajaheen waxaana uu ku boogaadiyay Gabdhaha inay door muhiim ah ka qaataan  wax duubista,  isagoo dhammaan ardayda qalin jebisay kula dardaarmay inay u dhabar adaygaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka soo wajahaya si ay mihnadooda su gutaan oo si  xirfadaysan ay kor ugu qaadaan sidii ay u noqon lahaayeen Sawir Qaadayaal caan ah ah sida kuwa dunida oo kale”

Ugu daMbayntii waxaa Shahaadooyin lagu guddoonsiiyaya Ardaydii  ka qalin jabisay oo muddo laba bilood wax soo baranayaya , iyadoo Somali Digital Media Academy tababarkaani soo waday muddo 1 sano oo ay lix Dufcadood ka qalin jabiyeen. Waxaa kale oo  Riwaayad xiiso leh ku soo bandhigay  qaar ka mid ah Ardayda iyo Abwaan kale oo  Doorka Sawir Qaadida iyo Muhiimadeeda metelayay. I

Iyadoo  Ardayda qalin jebisey Machadka  ay goobtaasi ku soo bandhigeen  Filimo gaagaaban oo ay sameeyeen   “Gole Joog Media  Production &  Al Mustaqiim Media Production” oo ay leeyihiin Arday hore ugu qalin jebisay  (Somali Digtital Media Academy) si xirfadooda ay bulshada ula wadaagaan  waxayna ahayeen kuwo si xirfadaysan loo sameeyay oo dhiiri galin u ah howsha “Somali Digital Media Academy (SODMA).

Somali Digtital Media Academy (SODMA) waxay ku taalaa  xaafada Taleex agagaraaka Madaxtooyadii Ex Madaxweyne C/qaasim salad Xasan waxay bixisaa   Waxbarasho la xiriirta  Warbaahinta gaar ahaan Filim Soo Saarida (Films & Video Production) iyadoo  la aasaasay 2017 Waxaa  ka how galla Macalimiin xirfad  iyo mihnad u leh qaybahaasi kor ku xusan.