Sawirro: Xildhibaanno & Siyaasiyiin Booqday Guriga Cabdi Qeybdiid, keddib Weerarkii Sabtiga lagu qaaday

0

Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxay Booqdeen guriga Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee labada Aqal ee dowladda Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ay Maalin ka hor weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Xubnaha Booqday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid, waxaa ku jiray xubno ka tirsan Aqalka sare, Golaha Shacabka iyo Siyaasiyiin Mucaaradka ka tirsan oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa Xildhibaannada goobta tegay ka mid ahaa Axmed Macallin Fiqi, kaasoo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka ee dhaliilsan hannaanka waxqabad ee xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Ciidamada dowladda ayaa weerar Sharciga Baalmarsan ku qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid, halkaas oo ay Baaritaan aysan madaxda dalku ka warqabin ka sameeyeen.

Saraakiil iyo Askar gaaraya ilaa 42 oo ka mid ahaa kooxdii weerarka qaadday ayaa Xabsiga la dhigay, kuwaas oo Baaritaan deg-deg ah lagu sameynayo sababta ay weerarkaas u qaadeen iyo cidda ay Ruqsad uga heysteen Baaristooda.