Seynisyahankii Reer Britain, Stephen Hawking Oo Geeriyooday

0

Fiisikisyahanka Britain u dhashay ee Stephen Hawking ayaa geeriyooday waabarigii hore ee saaka,sida afhayeen u hadlay qoyskiisa uu u sheegay talefishinka ABC News.

Waxa uu geeriyooday isaga oo jira 76 jir.

Hawking, oo soo saaray buugaag dhowr ah oo saameyn yeeshay uuna ka mid ahaa buugiisii “Taariikhda Gaaban Ee Waqtiga” ayaa waxaa ku la xanuunsanaa tan iyo sanadkii 1962-kii xanuun ka asiibay dhaqdhaqaaqa.

Qoysiiskiisa oo la hadlay warbaahinta ayaanan shaacin sababta dhimashadiisa,balse waxey xuseen inuu ku geeriyooday guri uu ka deganaa Cambridge ee Egland.

“Waxaan ka murugeysan nahay aabaheenii aan jecleen oo inta tagay manta,waxa uu ahaa nin seynisyahan saameyn yeeshay sanadana u shaqeynayay si geesinimo leh”ayaa lagu yiri qoraal kazoo baxay qoyska Hawkin.

Waxaa ka tagay Xaas iyo laba wiil oo uu dhalay.