Sh Shaakir oo Afka furtay” Been ayaa la faafiyay

0

Madax xukuumada Galmudug sheikh Maxamed Shaakir oo matabaan wariyaasha kula hadlay ayaa beeniyay in qilaaf u soo kala dhax galay madaxda ugu sareysa Galmudug xilli maalmihi ugu dambeysay ay soo baxayeen warar sheegay in uu qilaaf uu soo kala dhax galay hogaanka Galmudug .

Shaakir ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah islamrkaana ay faafiyeen sida uu hadalka u dhigay Dad ka soo horjeeda midnimada Galmudug.

isagoona ugu dambeynti sheegay sheikh shaakir in hadda ay tahay markii ugu horeysay oo ay si wada jir ah u wada shaqeyaan hogaanka Galmudug lagana soo gudbay wixii qilaaf ah.