Shabaab oo xukun dil ah ku fuliyay labo ruux

0

Maxkamadda Al-Shabaab ee ku taalla degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe ayaa xukun dil ah ku fulisay labo ruux oo lagu eedeeyay in ay dil ka geysteen degaan hoos yimaada degmada Jilib.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa xukun qisaas ah  ku fuliysay Labada ruux ee lagu kala magacaabo Gaabow Yare Ibraahim oo 36 Sano jir ah iyo Maxamed Bashiir Cabdi oo 29 Sano jir ah kuwaas oo dhawaan dil u geystay nin Xoolo dhaqata ah oo lagu magacaabi jiray Guudle Caddaan Xasan oo dilkiisa ka dhacay Baadiyaha Degaanka Galsheeq Abiikar ee hoosyimaada Degmada Jilib.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegay in raggaan ay qirteen falka lagu soo eedeeyay ,islamarkaana xukunkooda uu noqday dil.

Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacayay.

Xukunada noocaan oo kale ah ayeey Shabaab ka fuliyaan Gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalooyinka ay joogaan iyaga oo sheegaya qofka falka lagu fulinaayo inuu sameeyay qiraal.