Shacab lagu laayay Duqeyntii ugu dambeysay ee Shabeellaha hoose “Sawirro”

0

Dad shacab ah ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradaha aan cidina wedin ay xalay ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, waxaana halkaasi ku dhintay Beeraley.

Sida ay Muujinayaan Sawirro lasoo qaaday Gantaallada ayaa ku dhacay 3 qof oo Beeraley ah, iyadoo ay halkaas ku dhinteen.

Deegaan dhanka Koonfur Bari kaga beegan Daaru Salaam Gobolka Shabellaha hoose, ayaa laga soo qaaday maydadkaan.

Sawirrada la helay waxaa soo qaaday Al-shabaab oo ku muujinayay in aysan dadka dhintay aheyn Ciidankooda balse ay ahaayeen beeraley.

Deegaanka Daaru-salaam waxaa gacanta ku haya Ururka Al-shabaab, in kastoo khasaaraha duqeyntaas lagu gaarsiiyay Ururka aan la hubin.