Shaqadii gobolka banaadir oo istaagtay sababtaan darteed.

0

Isqabqabsi xoogan ayaa xiligan kataagan maamulka sare ee gobolka banaadir kadib isfaham daro iyo wada shaqeyn soo kala dhexgashay mas uuliyiinta uga sareeysa gobolka.

Khilaafkan soo shaacbaxay ayaa waxaa si weyn loogu eedeynayaa mohamed tuulax iyo cumar xuseen oo ku kala magacaaban G.ku xigeenka amniga iyo siyaasasada iyo xoghayaha gobolka kuwaas oo wax isdaba marin iyo musuq xoogan kawada xafiisyada degmooyinka gobolka iyagoo sidoo kale dayacay shaqadii ay uhayeen shacabka muqdisho.

Labadan wiil oo horay baratikoolka ugu qaabilsanaa xafiisyada R/wasaaraha iyo madaxweynaha ayaanba fariisan xafiisyadooda iyagoo wali umuuqda iney hayaan xilalkoodii hore ,waxaana ay marwalbo saaranyihiin diyaaradaha madaxda sar sare.

Cumar xuseen oo ku magacaaban hada xoghaya gobolka waxa uu qeyb kayhahay safarka R/wasaare kheyre kumarayo puntland ,waxaana muuqata inuu dayacay shaqadii uu hayay shacabka caasimada.
Halka mohamed tuulax oo isna dhawaan kasoo laabtay safaro dhowr ah oo dibada ah uu qeyb kayahay safarka madaxweynuhu bari ku aadi doono khartoum sudan .

Inta badan gudoomiyaasha degmooyinka gobolka bnaadir ayaa kacabanaya wiilashaan umuuqda iney duudka libaax ku dangiigan ,iyagoo sheegay in faragalin dad ban oo musuq ah ay kala kulamayaan labadaan wiil.

Suaasha isweydiinta mudan ayaa ah wiilashan maxaaa gobolka loogu magacaabay ,ma iney shacabka ushaqeeyeen? mise iney dano gaar ah ka shaqeeyaan?

Waxaa ila haboon aniga in dib loogu celiyo shaqadoodii oo madax banaani lasiiyo maamulka gobolka banaadir si shacabka wadajir loogu shaqeeyo.

By Mohamed Hussein Ahmed