Shariif Xasan oo Hub ku wareejiyay Muqtaar Roobow & dagaalka laga cabsi qabo

0

Masuuliyiinta Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Saanad milatari ku wareejiyey Maleeshiyaadka daacadda u ah sheikh mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo maalmihii dambe dagaal kula jiray ciidamo Ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in ciidamada Muqtaar Rooboow ay hubka ku wareejiyeen masuuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka Amniga Ee Maamulka Koonfur-galbeed Xasan Xuseen Maxamed ( Xasan Eelaay ) iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga Dalka iyo waliba maamulkaasi.

Waxaana hadda deegaanka Abal ku sugan Ciidamo ka tirsan Al-shabaab halkaa la sheegay in ciidamada Gurmadka ah ee maamulka Koonfur-galbeed uu u diray deegaankaasi ay 3-KM u jiraan deegaanka Abal ee dagaalku ka dhacay.

Masuuliyiin ka mid ah Maamulka Koonfurgalbeed oo uu ka mid yahay wasiirka Amniga oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday inay faah-faahinyaan hubka ay ku wareejiyeen Muqtaar Rooboow Abuu-mansuur,balse ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyey.

Xaaladda deeganka Abal ayaa Maanta lagusoo waramayaa inay daggantahay Maanta islamarkaana ciidanka Koonfur-galbeed oo garab siinaya kuwa Muqtaar Rooboow iyo Al-shabaab oo halkaa isku horfadhiya.