Shariif Xasan oo ku Amray Maamulka Shabeellaha hoose in ay Canshuuraha Kordhiyaan

0

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ku Amray in ay kordhiyaan Canshuuraha laga qaado Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Gobolka.

Wuxuu sheegay in lacagta Canshuuraha kasoo xaroota ay tahay in dib loogu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha ee maamulka.

Maamulka degmada Afgooye ayuu ku Amray in ay dib u dhisaan Saldhigga Booliska ee degmadaas, kaasoo Burbur xooggan uu ka muuqdo xilligaan.

Haddii sare loo qaado Canshuuraha ayuu sheegay in lagu guuleysan doono, Dhismaha Xarumaha maamulka, Waddooyinka Gobolka iyo sidoo kale Xarumaha dad weynaha Muhiimka u ah oo Buundooyinku ay ka mid yihiin.

Ibraahim Cali (Najax) Guddoomiyaha Shabeellaha hoose oo shalay kormeeray Saldhigga iyo goobo kale oo ka tirsan degmada Afgooye ayaa sheegay in Saldhiggu uu dib u dhis u baahanyahay, waxaana durbadiiba ka hadlay dib u dhiska Goobaha muhiimka ah Madaxweyne Shariif Xasan.