Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo Muqdisho ku geeriyooday

0

Allaha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyooday isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsanaa waxana uu ku geeriyooday isbitaalka Martini oo ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho balse si gaar ah dadka uu soo rito cudurka Covid 19 lagu daweeyo.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay isbitaalka ama dowlada ee xaqiijinaya in Sheekhu uu u geeriyooday Covid19 oo hadda ka soo cusbonaaday caasimada dalka iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliyeed.

Geerida Sheekh Nuur Baaruud ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxda dalka Soomaaliyeed iyo weliba culumaa’udiinka.