Shiikh Maxamed Shaakir oo Raalli Gelin Ka Bixiyay Xarigga Xaliimo Yarey

0

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda maamulka Galmudug ayaa guri ay ka joogto Dhuusamareeb ugu tegay guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey).

Wuxuu raalli Gelin ka bixiyay Xarigga ay ciidamo ka amar qaata Ahlu-sunna oo dhowaan la midowday Galmudug ay ugu geysteen Dhuusamareeb Xaliimo Yarey.

Isaga iyo Odayaal la socda ayaa Guri Xabsi Guri looga dhigay ugu tegay, waxayna sheegeen in aysan reer Dhuusamareeb raalli ka aheyn Xariiggeeda, sidoo kale waxay sheegeen in Galmudug ay tahay goob xasilan oo aysan ka jirin baqdinta ah in xubin sare oo dalka muhiim u ah lagu waxyeelleeyo.

Shiikh Shaakir ayaa sheegay in ay sida wax u dhaceen ka warheleen waqti kooban gudihiisna ay ku qaateen go’aanka ah in ay xortahay oo ay magaalada dhinaca ay doonto ka aadi karaan iyada, Ilaaladeeda iyo Darawalka gaariga u kaxeynayay oo dhammaantood Xabsi Guriga laga dhigay.