Shiikh Umal iyo Culimaa’udiin kale oo Muqdisho soo gaaray “Sawirro”

0

Waxaa goordhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo degay, diyaarad sidday Culimaa’udiin Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Shiikh Maxamed Cabdi Umal, kuwaas oo ay garoonka kusoo dhoweeyeen xubno ka tirsan guddiga Gurmad Qaran.

Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Culimaa’udiin ayaa kusoo dhoweeyay Garoonka, waxaana ay xubnaha Umal hoggaaminayo sidaan Lacag ay kasoo Uruuriyeen Ganacsatada iyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya iyo dalal kale.

Lacagta ayey ku wareejin doonaan Guddiga gurmadka Qaran, kaasoo sidoo kale la filayo in uu sii gaarsiiyo qoysaska ku waayay Ehelladoodii weerar ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho 14-kii October ee Sanadkan, halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 350 qof.