Shiishadda oo somaliya shiid ka dhigtay.

0

Xaqiiqda xiriirka ka dhaxeeya Shiishadda laga cabo khaliijka iyo Abaaraha Somaliya.

Sideey isku saameeyeen? Waddamada khaliijka gaar ahaan Dubai waxaa kor u kacay isticmaalka shiishadda, waxaa batay dalabka Duxusha laga soo dhoofiyo somaliya, waxa kor u kacay qiimaha qalabka dhirta lagu jaro iyo shaqaalaha dhuxush, waxaa yaraaday dhirtii somaliya ,waxaa yaraaday roobabkii ka di’i jiray Somalia, waxaa yaraday noolihii dhirtaa ku tiirsanaa, duur joog iyo dab joogba, beerihiina waa ba’een, waxaa batay abaaro, waxaa yimid qaajo, dadkii ayaa bara kacay, waxaan noqonay dal faqri ah.

Ogow Carabtu dhuxusha, cunto kuma karsato badanaa ee Gas iyo koronto ayeey isticmaalaan, inkasta oo golaha Amaanka ee Jamciyada quruumuhu mamnuucay dhoofinta dhuxusha bishii Feberuary 2012 ,haddana sanadkii xigay dhuxusha laga dhuufiyay somaliya kor ayeey u kacday waxa ayna gaartay 24 million oo Loor kiiba 50 kg. inta sanadkii la dhoofiyo waxaa lagu qiyaasay $384 Million waa sida ku cad warbixintii kooxda la socodka arrimaha somaliya ee UN-ka, waxa ay ku dhawdahay 2 jibaar miisaaniyada dowlada.

Sow shiishaddu shiid nagama dhigin, geedahaaga dhoofi, dollarkii aad ku iibisayna cows jaad la yiraa deriska uga soo gado, sow inkaar iyo aqli yara ma ahan?. kadibna markaad deegaankaaga dambas ka dhigto,tuugsi iyo tahriib dan mood.

Alla hana amaansado, qofkasta oo naga mid ah ha abuuro hana koriyo 10 geed ugu yaraan, ardayda dugsiyadana, ardaygiiba 5 geed, kuwii dhirta jarideeda ka taajirayna waa la yaqaane ha laga qaado khalajka dib u soo nooleeynta deegaanka.

Qore: yahya Amir