Shir ay isku arkeen DF iyo Qalbi-dhagax oo ka dhacay Jabuuti

0

Dalka Djibouti oo lagu gebagebeeyay shir looga hadlayay xiriirka Qawmiyada somalida iyo aayaheeda Geeska africa, Magaalada Djibouti waxaa lagu soo geba gebeeyey Madasha Aragtiwadaagga Soomaalida, oo uu soo qaban-qaabisay machadka daraasaddaka siyaasadda ee Heritage.

Madashan ayaa waxaa ka soo qeybgaley Soomaali ka badan 150 qof oo isugu jira, aqoonyahano, suxufiyiin iyo siyaasiyiin ka kala yimid dhammaan dadka ah Qowmiyada soomaalida degta Geeska afrika, Waxaana ka soo muuqday C/kariin Sh Muuse Qalbi Dhagax oo Dowladda Farmaajo Sanad iyo bar ka hor u dhiibtay Itoobiya iyo Madax ka tirsan Dowladda oo kulanka isku arkay, Intii Shirku socday ayaa la arkay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Khayre Xoosh Jabriil oi Madaxa u salaaxaya Qalbi dhagax.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayey danaha ka dhaxeeya Qowmiyada soomaalida ku nool
Geeska Afrika xiriirka iyo horumarka dhexmarikara hadey is fahmaan.

Waxaa Qarasha ku baxay shirkan socday sadexda maalmood bixiyey dawlada Djibouti oo uu hogaamiyo  Madaxwayne Ismaïl Omar Guelleh.

oo ah hogaamiyaha Qowmiyada soomaalida Geeska afrika! Mudadii 2000 ilaa 2018, Wuxuu qaban qaabiyey shir badan oo
lagu qabtay dalka Djibouti .2000 ilaa 2018

Shirka waxaa loo hadlay Qowmiyada soomaalida Geeska africa dhinaca dhaqanka luqada diinta dhaqaalaha iyo xiriirka siyaasada.

Shirkan madasha wax Garadka geeska africa ee Qowmiyada soomaalida. waa markii labaad ee Madaxweyne ismail maalgaliyo isaga iyo dawladiisa Djibouti ay Marti galiyaaan