Shir Caalami ah oo maanta Muqdisho ka furmaya

0

Shir Heer Caalami ah oo ay madaxda ugu sarreysa Dalka, Dowlad Goboleedayada iyo Beesha Caalamku ka qeyb gelayaan ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmaya Muqdisho, iyadoo Arrimo badan oo dalka Soomaaliya quseeya looga hadli doono.

Shirkaan oo lagu magacaabo (Somali Partnership Forum) waxaa uu noqonayaa midkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee ka dhaca Muqdisho.

Waxaa looga faa’iideysan dooonaa fursadda ah in mar qura isku meel lagu helayo, madaxda dalka, sidoo kale wuxuu noqonayaa mid Arrimaha dhaqaalaha iyo Ammaanka wax la isaga yiraahdo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dalka ayaa guddoomin doona, si la mid ah midkii Amniga ee Muqdisho ka dhacay Shalay.

Wixii faafaahinno ah ee kasoo baxa shirkaan naga filo