Shir looga Hadlayo Ammaanka Dalka oo ka furmaya Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose waxaa hadda ka socda, diyaar garow xooggan oo loogu jiro Martigelinta Shir looga hadlayo Ammaanka dalka oo halkaas ka dhacaya.

Shirkan ayaa lagu wadaa in dabayaaqada Bishaan Feebaraayo uu ka furmo magaalada Kismaayo, iyadoo wufuudda halkaas gaari doonta loo sii diyaarinayo goobihii ay ku degi lahaayeen.

Xubnaha Shirka ka qeyb gelaya waxay ka kala imaan doonaan, Dowladda Dhexe, maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu gorfeyn doonaa Ammaanka dalka oo hadda u muuqda mid kasoo hagaagaya halkii uu Sanado ka hor joogay.

Wasiirka Amniga ee Jubbaland, Cabdirashiid Nuur Janan ayaa sheegay in Shirka si aad ah looga hadli doono, wada shaqeynta Ciidanka AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale Doorka Nabadda ee Bulshadana lagu soo hadal qaadi doono.

Waxyaabaha kale ee aadka looga hadli doono waxaa ka mid ah halka uu marayo dagaalka Al-shabaab iyo sidii looga saari lahaa goobaha ay joogaan, iyadoo Ammaanka Kismaayo maalmahan dambe aad loo adkeeyay.