Shirka Dhammeystirka Heshiiska Galmudug & Ahlu-sunna oo ka maanta ka furmaya Dhuusamareeb

0

Shirka lagu dhammeystirayo Heshiiska Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa goordhow lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku suganyihiin madaxda ugu sarreysa dalka.

Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad Goboleedyada intooda badan ayaa ka qeyb gelaya Shirkaas.

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ku sugan, madaxda maamullada, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Puntland, iyadoo madaxweynaha maamulka Jubbaland uu Cudur daar shirkaas uga maqanyahay.

Shirka waxaa lagu dhammeystiri doonaa heshiisyo horay uga dhacay magaalooyinka, Nairobi, Djibouti iyo Muqdisho, kuwaas oo labada maamul ee Galmudug iyo Ahlu-sunna ay u kala saxiixdeen.