Shirka dib u eegista Sharciga Socdaalka oo ka furmay Cadaado

0

Shirka Wadatashida dib u Eegista Sharciga Socdaalka ayaa wuxuu maanta ka furmay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb gelaya xubno ka socda, DFS iyo Maamulka Galmudug, iyadoo uu shirka daah furay la taliyaha dhanka Sharciga ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya mudane C/nasir Hashi.

Ilaa Afar Wasiir oo ka mid ah kuwa maamulka Galmudug ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirkaas, waxayna kala yihiin, wasiirka arimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Dastuurka iyo Wasiirka Gadiidka cirka iyo dhulka.

Xubnaha Shirka ka qeyb gelaya ayaa sheegaya in uu yahay mid Muhiimad gaar ah u yeelan doona, dadka Galmudug iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.