Shirka Kismaayo Oo Laga Soo Saaray War-murtiyeed Ka Kooban 16 Qodob

0

Shirka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubba Land uga socday madaxweynaha maamul Goboleedyada dalka ayaa ayaa laga soo saaray warmurtiyadeed oo ka hadlaya waxay isku afgarteen shanta madaxweyne.

Qodobada lasoo saaray waxaa kamid ah gole ay ku mideysan yihiin maamul goboleedyada dalka, Dowladda oo loogu baaqay iney la timaado iskaashi maamul goboleedyada la yeelato, arrimaha ammaanka, Doorashada 2020, Dastuurka iyo arrimaha Federaalka.