Shirka Madasha Wadatashiga oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho

0

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in uu Maanta   ka furmo magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in ay soo garaan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka  Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynayaasha Puntland  , Galmudug , iyo sidoo kale Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Qodobada looga hadlaayo shirka ayaa waxaa ka mid ah Colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo iyo howlaha Doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here