Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo dhiseysa Dekadaha Marko iyo Baraawe

0

Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa waxay dhisi doontaa oo ballarinna ku sameyneysaa Dekadaha magaalooyinka Baraawe iyo Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose, sida uu sheegayo maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxay shirkaddani heshiis wadashaqeyn ah la leedahay midda ka dhisan dalka Jabuuti ee lagu magacaabo Damerjog, waxayna dhisi doontaa Dekadaha Baraawe iyo Marko, waxaana lagu magacaabaa shirkadda (Silkroad International Industry Holding).

Silkroad ayaa waqti kooban kusoo geba-gebeynaysa howsha dhismaha labada Dekadood, waxaana madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ku sugan Jabuuti uu halkaas kula kulmay shirkadaha ka shaqeyn doona Dhismaha dekadaha magaalooyinka Shabeellaha hoose ka wada tirsan.

Koofur Galbeed ayaa dooneysa in Mashaariic horumarineed laga sameeyo Gobolka Shabeellaha hoose, taasoo si weyn ay uga faa’iideysan doonaan dadka Gobollada Koofur Galbeed Soomaaliya.