Shirkii Golaha Wasiirrada ee Maanta oo looga hadlay Amniga, Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah & Arrimo kale

0

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta oo Khamiis ah ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay Arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Ammaanka dalka, Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah iyo Arrimo kale.

Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga ayaa ka horjeediyay Wasiirrada Waxyaabaha u qabsoomay waqtiyadii u dambeeyay, iyadoo Shaqada Labadaas wasaaradood indhaha si gaar ah loogu hayo.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa markii uu shirku soo idlaaday Wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhiggu soo bandhigeen Waxqabad wanaagsan.

Shirka ayuu sheegay in lagu soo hadal qaaday 60-jir Al-shabaab kula dagaallamay Gobolka Shabeellaha hoose, kaasoo sida ay wasiirradu sheegeen ka dhiidhiyay lacag ay ka qaadan lahaayeen Al-shabaab oo aan sharci aheyn.

Wuxuuna ku guuleystay in uu Hantidiisa ka badbaadsado sida Wasaaradda Gaashaandhiggu ay sheegtay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ayaa waxuu soo hordhigay golaha Wasiiradda Sharciga shaqaallaha Rayidka ee Dowladda oo dib u habeyn lagu sameeyey, sida uu sheegay Wasiir Yariisow.