Sidee Dowladda Soomaaliya uga hadashay Doorashadii Somaliland, Farmaajo oo War kasoo saaray

0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saaray Doorashadii ka dhacday deegannada Somaliland, taasoo uu shalay guddiga doorashadu Toddobaad keddib ku dhawaaqay in Xisbiga Kulmiye oo ka mid ah Axsaabta maamulkaas uu ku guuleystay doorashadii 13-kii November ka dhacday Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaasoo codadkii ugu badnaa uu Xisbigiisu ka helay doorashada.

Farmaajo ayaa daaha ka qaaday in uu uga mahadcelinayo Xisbiyada iyo Shaqsiyaadka ku tartamay doorashada, sida wanaagsan ee ay u aqbaleen Natiijada Guddigu ku dhawaaqay, wuxuuna ku tilmaamay doorashadaas mid ay wax ka baran doonaan maamullada kale ee Soomaaliyeed.

Wuxuu ballan qaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in madaxweynaha la doortay ay kala shaqeyn doonaan in halkoodii laga sii wado wadahadalladii Somalia iyo Somaliland, kuwaas oo ku saabsanaa in laga wada hadlo Midowga labada Gobol.

“Waxaan ugu horreyn u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay, Muuse Biixi Cabdi, dowladdeenu waxay ka shaqeyn doontaa in ay sii socdaan wadahadalladii meesha wanaagsan ay gaarsiiyeen dowladihii naga horreeyay, waxaana ugu dambeyn rajeyneynaa in la isaga soo dhowaado meelihii la kala taagnaa” ayuu Farmaajo sheegay Hambalyadiisa keddib.