Sidee lagu joojiyay Dagaalkii maanta ka dhacay Gaalkacyo?

0

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Gaalkacyo oo ay maanta Barqadii ku dagaallameen Maleyshiyaad dadka deegaanka labada qeybood ee Gaalkacyo ah ayaa la sheegayaa in lagu guuleystay in la kala diro markii ciidan isku dhaf ah ay labada maamul u direen goobta lagu dagaallamay.

Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa si isku dhaf ah loogu diray in ay kala qaadaan laba malleyshiyo beeleed oo kuwa kala hoostaga maamulladaas ah oo ku dagaallamay Suuqa Bartamaha Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku dhintay 3 kalena wey ku dhaawacmeen dagaalka iyadoo ay markii dambena ciidamada isku dhafka ah ee labada maamul direen ay ku guuleysteen in ay kala raacdeeyaan xubnihii dagaallamayay.

Rasaasta ay is weydaarsadeen labada dhinac ayaa laga maqlayay magaalada oo dhan, iyadoo baqdin xoog leh ay soo wajahday dadka deegaanka.

Ugu dambeyntii ciidankii loo diray Goobta ayaa ku guuleystay in ay kala qaadaan labada Malleyshiyo, iyadoo wixii dhibaato ah ee dagaalka ka dhashayna dib looga fariisan doono, gacansiga goobihii lagu dagaallamay ayaa la sheegayaa in uu si caadi ah kusoo laabtay Galabnimadii maanta.

Odayaasha dhaqanka ayaa ka wadahadli doona sidii xal waara looga gaari lahaa colaad beeleedka ay sida badan ugu dagaallamaan Galkacyo beelaha Magaaladaas wada dega.