Wafdi uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran loogu Soo dhoweeyey caasimada kMG ee Jubbaland.
Soo dhaweynta Xasan Sheekh Maxamuud Waxa ka qeyb galay madaxweynaha Jubaland, Madaxweyne ku xigeenka, hey’adaha kala duwan maamulka Jubbaland iyo dadweyne fara badan.
Xassan Sheekh Maxamuud hadda waa Guddoomiyaha xisbiga ugu weyn ee mucaaradka, kaas oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, ayna ku midoobeen dhowr xisbi oo mucaarad ah.
Weli xog rasmi ah lagama helin ujeedada safarka Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ee magaalada Kismaayo.