Sidii looga soo dhaweeyay sanadka cusub ee 2017 Nairobi Kenya

0

Sanadka cusub ee miilaadiga ee maanta taariikh kow ay tahay bishiisa Janaayo 2017 ayaa aad xalay looga soo dhaweeyay caasimada Kenya ee Nairobi.

Bulaleyr ama baaruut ayaa la ridayay xalay laga soo bilaabo bartamihii habeynimo ama saqdii dhexe. Sanadkaan cusub ayaa waxay dadku rajeynayaan barwaaqo iyo horumar.

Soomaalida xaafada Islii ee caasimada Nairobi ayaan aad ugu dabbaal dagin. Intooda badan ma dabbaal dagaan sanadka cusub sababtoo ah waa Muslimiin sanadkuna waa miilaadi ee maahan sanadka kalendaariyaha Muslimiinta ee taariikhda Hijrada.

Hal hal habow ah oo kala garan waayay waxa uu samaynayo ayumbaa caalamka intiisa kale raaca oo la arkaa asagoo leh ‘waxaan soo dhaweynayaa sanadka cusub’.

Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay aad uga filayaan sanadkaan 2017 waxay ku hareereysan yihiin dhaqaale.

 Daraasad dhawaan ay soo saartay hayada cilmi baarista ee Ipsos ayaa xustay in 20% ay rajeynayaan lacago badan inay helaan sanadkaan cusub ee 2017, 16% shaqooyin halka 14% ay sheegeen inay rajeynayaan inay dhistaan guryo ama ay gataan.

Sanadkaan ayaa sanad doorasho u ah Kenya ayadoo bisha Agoosto la filaayo doorasho madaxweynaha haatan xilka haya uu doonayo dib in loo soo doorto mucaaradkuna ay xilkaa u doonayaan murashax aan asaga ahayn balse ayaga ka tirsan.

Doorasho la mid ah tan sanadkaan la filaayo ayaa hada ka hor muran ka dhashay carqalad ka dhalatayna ay sababtay geerida dad tiradoodu sare u dhaaftay kun qof.

Waa doorashadii sanadkii 2007 taasoo dagaal ka dhashay ay sidoo kale ku barakaceen boqolaal kun oo qof.

Sanadka doorashada ayaaba guud ahaan dhaqaalaha u xun ayadoo dadku ay ka caga jiidaan maalgalinta iwm.

Barafasoor Karuti Kanyinga oo ka tirsan jaamacada University of Nairobi ayaa sheegay in sidoo kale waxsoo saarka beeraha ay aad doorashadu saameyn ugu yeelato

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here