Somaliland oo Digniin kama dambeys ah u dirtay beelaha ku dagaallamaya Gobolka Sanaag

0

Maamulka Somaliland ayaa Beelaha ku dagaallamaya Gobolka Sanaag wuxuu uga digay in ay halkaas kusii dagaallamaan.

Maxamed Axmed Kaahin, wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulkaas ayaa ku amray Beelaha ku dagaallamaya Gobolka Sanaag in ay sida ugu dhaqsaha badan ku joojiyaan Dagaalka.

Wuxuu sheegay in aysan Somaliland ugu dulqaadan doonin Dagaalka Beelaha ee kusoo laalaabtay Sanaag, Ciidamo ayuuna sheegay in ugu dambeyn la geyn doono goobaha ay ku dagaallamayaan.

Dagaalyahannada Beelaha ayuu sheegay in lasoo xir-xirayo, iyadoo aan cidna looga hibeysan doonin midkii dagaal beeleed lagu soo qabto xukunka lagu ridayo.