Soomaali lagu eedeeyey burcad-Baddeednimo oo xukun lagu riday

0

Maxkamad ku taalla Magalada Daaru-Salaan ee dalka Tanzania ayaa waxaa la soo taagay Soomaali lagu eedeeyey burcad-Baddeednimo,kuwaas oo gaaraya ilaa 7 Ruux oo dhamaantood rag ah.

Eedeysanayasha oo Magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Maxamed, Maxamed Aadan, Bashiir Rooble, Cali Nuur Cali iyo Faragani Cabdulle halka labada kale aan Magacyadooda la shaacin ayaa loo heystaa in Bishii Octoober ee Sanadkii 2011,kii xilligaas oo burcad baddeedu ay aad u kacsaneyd ay weerareen Markab mareyey Badweynta Hindiya,isla markaana ahaa nooca shidaalka qaada,kaas oo lagu Magacaabo SAM  A. ALLGOOD.

Ugu dambeyn Garsooraha Maxkamada Magalada Daaru-Salaam ee dalka Tanzania Yose Mayambina  ayaa 7 ruux oo Soomaalida ah uu ku xukumay Xabsi Daa’in.