SOOMAALIDU SUN BAY DAACDAY: W.Q Shafici Roraye

0

Soomaalidu waa umad sal fudud si sahlana lagu kacin karo, waa umad aan tagtada, taaganta iyo timaadada isku xiro aqoon, waa umad maalintaa wixii socda la nool ee aan marna gadaal u eegin tagtadii ina dhaaftay, saadaalin karin timaadada nagu soo fool leh, kuna xiri karin taaganta maanta ah saamayska taban iyo kan togan ee ay ku yeelan karto labada hore,

waa dad aan kala saari karin Gacalkooda iyo Nacabkooda waa umad u dhaga nugul Nacabkeeda warkiisana si fudud u qaadata, kuna dhiirata garbaduubka Gacalkeeda iyo same jeclaheeda, waa umad la safta qofka ku awr kacsanayana ee dantiisa raba in uu ku gaaro, kana shakiya qofka u darbada badbaadinteeda iyo horumarinteeda,

waa umad aan lahayn kaadsiimo iyo hubsasho, aan dhexdhexaadnimo u yeelan karin dhacdooyinka maalin laha ah, waxay 100% taageerayaan shaqsi, aragti ama urur aysan inaba ha ahaatee wax xog iyo daraasad ah ka hayn, hadana 100% ayay nacayaan isla qofkii, aragtidii ama urur xitaa hadii uu wanaag sameeyo,

in markii hore aan waxba lala harin ayaa ah sal fudayd heerkiisa dhaafsiisan, hadiiba ay dhacday in la joogteeyo si ay dhiiri galin ugu noqoto cida la siiyay ayaa gabanimo ahaan lahayd se ka fiirsi horana ma lihin kaadsiimo dambana haba sheegin,

waa umad hankeedii dhintay awoodaheedii iyo fursadaheedana laga qariyay, waa dad iimaankii ka dhoofay, noloshoodana ku xiray dibada, deeqaha waxaan ka sugmaa dibada, mushaaraadkeena dibada ayaa laga bixiyaa, shirarkeena dibada ayaa lagu qabtaa, qofkeena xanuunsan dibada ayaa lagu daaweeyaa, biilasheena dibada ayaa laga soo diraa, dadkeenu dibada ayay u tahriibaan, mucaaradkeeni dibada ayuu ka soo qayliyaa,
nolosheena oo dhanba dibada ayay ku xiran tahay, dibadaas aan imaankeenii dhamaa ku xirnay waa qof kale dalkiis gudahiisa ayuuna horumarkaa ku sameeyay ee marna dibad kama keensan waxa uu haysto,

waa umad aan aqoon yahan lahayn indheer garadkeeduna yahay qabqablayaasha beelaha, waa dad kuwoodii ugu aqoonta sareeyay iyo Barafasooradoodii ay furimaha dagaal beeleedyada taagan yihiin, qabiil ku faana cimrigoodii, caqligoodi iyo cilmigoodii ku lumiyay,

waa umad aan lahayn hiraal qaran iyo hiigsi umadeed, (National Vision) hankeediina dhaafi la’yahay hayb beeleed iyo habar wacasho,

waa umad aan laga soo helayn hogaamiye hor u socod ah, oo u sameeya hiigsi qaran, hadii ariga/Xoolaha xerada kuugu xaraysan oo noqdo doon aan is dhaamin, midii aad soo maquunisaba sow tii hore kama darnaato? oo isma tiraahdid mid la qaato ama la qasho kuma jirto,?

sidaa si la mid ah umada Soomaalida waa dad aan maquuno lahayn, midkii hogaanka inoo qabtaba kii hore waa ka daran yahay, eeda hogaanka kaliya lama saari karo, ee umad dhan oo hal hogaamiye wanaagsan laga waayay ayaan noqonay,

umad isku raacday kuna wada qanacsan in hayb beeleed lagu dhidbo laguma dhiso noloshooda oo dhan ayaan nahay, qof ka damqada oo diida in nala ka helo iska daaye af iyo adin ayaan ku difaacaynaa in sidaasi sax tahay, waxaan muraara dilaacaa marka aan arko aqoon yahan, qoraa ama hal abuur difaacaya nidaamka hayb wax ku qaybsiga, beel dhan oo kumanaan jilib iyo jifo ah Hal wasiir marka la dhex dhigo saw qoorta la iskuma galin oo cadaawad lama dhex dhigin,

tan kale wasaaradii la siiyay beel hebel saw hanti beeshu leedahay ma noqonayso, sow saami kaga soo aaday sad bursigii wasaaradaha ma ahan, saw beeshu xaq uma lahan fursad kasta oo wasaaradaas soo marta, sow xoogsatada iyo shaqa doonka beeshaasi xaq uma laha in ay wasaaradaas isugu tagaan? horta maxaan ula yaabnaa marka hal beeli u badato shaqaalaha wasaarad gaar ah? saw saamigii beeshooda kaga soo aaday dawladnimada ma ahan? hadii aysan wasaaradooda ka shaqa doonan ma wasaarada reer hebel ayay aadayaan? qaar badan oo inaga mid ah sidaa ayay biyo kama dhibcaan u arkaan, maxay ugu arki waayeen dadkii ay ka dhasheen ayaa inta tashtay sidaa ku hashiiyaye,
caqli foorara weeye,

Soomaalidu waa dad aan umad nimadooda ku qanacsanayn, fagaare kasta waxay la taagan yihiin in ay duntood iyo dadnimadooda caayaan, iyagii ayaa la soo taagan Soomaalidu waa dad xun, waa runtiis saa isagaa sidaa leh baa Soomaali ahe,

waxaan marayaan xad aan magaceenii ka dhuumano, xad ann sheegano qoomiyado aanka fac iyo fir wayn nahay, beel kasta oo u dhalatay qoomiyadii Soomaalida waxay raadsatay qoomiyad kale oo ay sheegato, Carab ayaan nahay, cibriyiin ayaan galnaa, oromo ayaan la dhalanay iyo waxyaabo kale oo ka liita, kala dhuumashadaa ay qoomiyadnimadooda ka dhumanayaan ayaa ka daacad ah,

qormo qudha laguma koobi karo ceebaha iyo calaamadaha foosha xun ee fool keena ku sawiran, waxay u baahan tahay in buugaag laga qoro,

qormadaan ula jeedadeedu ma ahan cay iyo ceebayn ee waa dhiiri galin ku dhisan xaqiiqooyin indha lagu wada arki karo,
marka aan inagu wada hadlayno in aan runta isku sheegno si aan wax uun isaga badalno ayay danteenu ku jirtaa,

qormadaan kooban hadii aan luuqad qalaad ku qori lahaa waxaan ahaan lahaa qof ceebihiisa u tabinaya cadawgiisa, se marka ay Afsoomaali ku qoran tahay waxaan ahay qof ka damqaday dhiiqada aan dhex jiifno,
si kasta oo kale waa loo faafin karaa qormadaan laakiin in luuqad kale lagu tarjumo waxay dhaawac ku noqonaysaa Soomaalinimada,

waad ku mahadsan tahay akhrinta qormadaan, fadlan aragtidaada noogu soo dir Emailada hoos ku qoran.

waxaa qoray: Shafici Roraye
Email: Sha.roraye7@gmail.com
Email: Sha.roraye@hotmail.com