Soomaaliya iyo sanadkii 2017

0

Qormada soo socota oo soo Koobeysa si weynna Uga hadleysa Sanadkii tegay iyo Waxyaabihii ka dhacay Soomaaliya, waxaa diyaariyay Qoraa Bashiir M. Xirsi oo ka mid ah Qalin Maalka Soomaaliyeed.

Meerteey eheed nolol

Marba heer la joogoo

Maalmuhu is jiiraan

Dacba maalin joogtee

Maantana halkee naal?

Gugii dhammaaday ee 2017, Soomaali iyo Soomaaliyaba wuxuu u ahaa gu’ sina uga duwan gu’yaashii hore, sina u la mid ah. ISBADALLO ayaa dhacay, dheef weyn laga ma helin, bal waxaaba ka dhashay dhib weyn, oo dalka u horseedi kara dhantaal iyo dhimaal. Baqdin.

ABAARO; ma ahayn mid uu la gaar ahaa gugii hore, haddana, marka laga soo tago soo noqnoqshadeeda gu’yaalo badan, labadii gu’ ee dambe, waxay gaartay meel xun, oo saamaysay gobollada oo dhan, haba ku ka la darnaadeene.

Weli ma aannaan hilaadin aragti aan abaaraha ku maaraynno. Wuxuu garaadkeennu dhaafi la’yahay la falgal iyo facaatuugnimo; hay’ad baryid, gargaarsugid iyo gacanhoorsi. Dad iyo duunyo badan ayaa ku baxay. Guddi abaaro, oo ay madax ka yihiin wadaaddo iyo dad aan aqoon u lahayn maaraynta musiibooyinka dabiiciga ah ka sokow,, waxaaba iscasilay wasiiraddii dhan, oo isbarbaryaac iyo gacan togaalayn ka cabatay. FASHAL!

DOORASHADII FORMAAJO: 8feberaayo, ee gugii hore, waxay ka mid tahay milay-yada summadda sooyaal u yeelay nolosheenna maamul iyo dawladnimo, ee suntay ka la guur heer iyo u gudub siiyaal. Sidan waxan u leeyahay, heer kulka QIIRADA ayaa aad u sarraysa marka loo fiiriyo marxalado kale oo na soo maray, oo waxaan dhihi karaa, heerka QIIRADU gaarsiisan yahay, waxaa la gelin karaa khaanadda labada marxalad ee MADAXBANNAANIADA iyo MAXKAMADAHA. DAWLADNIMADA iyo DIINTA. Feberaayo waxaa dhacay BADDAL, aan dhalin  ISBADDAL.

Hungada, rajoxumada iyo hanqaarmidda 8F, ifafaale ahaan ama saadaal ayaa indheergaradku u sheegeen, haddase bannaanka ayey timid, oo maalinjoogyadii ayeyba u muuqatay, ka dib markii la wada arkay go’aannada gurracan iyo guddoonka docornimo, ee lagu maaraynayo dawladnimada. Xasilintii, xannibaad, xasarad iyo xinjir ayey isu badashay. Tuutegashi ma ahane, talo kale ma muuqato.

GO’AANKII GACANKA CARBEED: Doorashada Formaajo ka dib, dalkii u horreeyey, ee martiqaad u fidiya wuxuu ahaa Sucuudi. Anigu run ahaan waan la yaabbanaa, haddana, dareenkaa dib ayuu ka caddaaday, ka dib markii uu soo ifbaxay khilaafka gacanka carbeed, oo dawladaha Sucuudi, Imaaraad, Baxrayn iyo Masar ay go’doomin dhul, bad iyo berri saareen dalka Qadar, dawlado kalana ka codsadeen in ay jidkaa oo kale maraan.

Dawladdeennu waxay ku jirtay dawladaha la hordhigay codsiga ah, in ay xiriirka u jaraan ama hoos u dhigaan heerka dublamaasi ee dawladda Qadar. Labadii midna ma yeelin, danteenna ma fiirin, dhaqaalaheenna ma dhugan, ganacsigeenna ma tixgelin, ciidanka xalisinta ee dadka Muqdisho ku handada, kuna xanniba waxaa badi is ka leh Imaaraad, haddana, waxaan oo dhan, waxaan la is taagnay; DHEX ayaan ka nahay loollankaa. Siyaasaddu DHEX ma leh, ee DHINAC ayey leedahay. Weli qodobkaa waan baran la’nahay. Dad ayaa ku doodaya, sharaf, magac iyo sumcad ayaa la ilaaliyey. War sumcadi ma jirtee, dan ii sheeg; dhaqaale, maalgashi, dib u dhis iyo ganacsi. Intuba na seege, ee muxuu magac qallalan keliya tarayaa? Hadda qodonta Xamar joogta, ee intaa garan waysay, waataa kuraastoodii loo wada ordayo, markaas ayey rabaan, in ay waddaniyad iyo khiyaali naga gadaan!

GABOGABAYNTII GALMUDUG: is ku daygan fashilmay, waxaa ka horreeyey, xil ka qaadistii Cali Cabdullaahi Cosoble, oo laaluush iyo lagu riday lacago dawladda dhexe laga keenay. Si walba, Cosoble ku bax is ku daygaa, oo wuxuu eersaday beelo masuug badan qabay iyo hadallo uu uga hadlay maqaamka Muqdisho iyo gobolka Banaadir.

Markii laga soo jeestay Hirshabeelle, oo Cosoble afka ciidda loo daray, waxaa lagu xijiyey Galmudug iyo Suldaan Xaaf, oo loo helay marmarsiyo aad u wanaagsan, maadaama Suldaan Xaaf uu ku biiray, madaxda maamullada dalka ee taageeray go’aanka isbahaysiga afarta dawladood ee go’doomisay go’doominta Qadar. Waxaa lagu kiciyey ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka, oo la ka la hayb ah MW Maxamad Formaajo iyo RW Xasan Khayrre.

Markii uu khilaafku soo baxayba, xildhibaanno iyo senatarro ayaa Cadaado u tagay, in ay xalliyaan, balse, mooshin qol mugdi ah iyo maqaayad lagu qabtay, oo in ka yar 20 xildhibaan ku casho qaateen ayaa loo cuskaday, in xilka looga qaaday Suldaan Xaaf.

Is diid badan ka dib, Suldaan Xaaf, wuxuu  ku guulaystay, in uu heshiis la galo Sunna, oo markii dambe dhab noqday. Fashalka duminta Galmudug iyo rididda Suldaan Xaaf, waxay badbaadisay maamullada sida Koofur Galbeed, oo ku xigtay, Jubbaland oo miiska saarneed iyo Puntland oo lagu xijin lahaa. Suldaan Axmad Ducaale Geelle (Xaaf): waa ninka Soomaali baray, in kooxda hororka ah, ee 8F la is ka caabbin karo. Isa sii adkee, ma quustaane.  DHIIRRANAAN.

GOLAHA ISKAASHIGA DAWLAD GOBOLEEDYADA: ka dib rididdii Codoble iyo qalaalisihii xilka looga qaaday, is ku daygii Suldaan Xaaf lagu mijaxaabin rabay, ee fashilmay, madaxda maamul goboleedyadu waxay isugu tageen shir ka dhacay magaalada Kismaayo, oo lagu dhisay; golaha iskaashiga dowlad goboleedyada (GIDG). 

Dhismaha golahan wuxuu soo kordhiyey culays siyaasadeed, oo si dadban u jiray xilligii dawladdii Xasan Sheekh, oo waxaa lagu arrinsan jiray MADASHA, balse, golahan wuxuu uga duwan yahay madashii hore, in uu leeyahay madaxweyne, xoghayn iyo guddoon, taas oo ka dhigaysa, in ay toos u farageliyaan arrimo badan oo ewel ay gunuunac ama si hoose cabasho madaxda dalka ugu gudbin jireen. Dhismaha madashan waxaa sabab u ahaa, hororka iyo hoggaanxumada dawladda dhexe.

QARIXII SOOBBE: waxay eheed dhibaatadii qarniga; qarixii ugu weynaa, qarracankii ugu adkaa, ee soo mara Soomaali iyo Muqdisho tan iyo sidii burburku u dhacay ama qaraxyadu uga billowdeen. Geeridu waxay gaaraysay lix boqol, dhaawucu ka ma yarayn, hantida ku burburtay malaayiin dollar ayaa lagu qiyaasay. Xanuun badan ayey reebtay, welina la ma helin qof eeddeeda iyo masuuliyaddeeda qaata madax iyo mooryaan garreeyba, in kasta oo dad badan qabaan, in uu ahaa qarax ay ku lug lahaayeen dawlado shisheeye.

DOORASHADII Muuse Biixi: gobollada waqooyi, oo uu dib u dhac ku yimid ammin doorashaadkii ayaa qabsoomay. Olole doorasho uu u dhexeeyey abaaro, caqabado, shaqo la’aan, xisbiyo beelaysan, is diidmooyin degaanno iyo cabsi laga qabay ku shubasho amaba laalid doorasho, ayaa fooldheer ka dib, waxaa ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi, oo ka mid ahaa jabhaddii SNM (Soomaalinlaanta dhabta ah) ee ka wax ka ridday rajiimkii keligitelka MSBarre.

WEERARKII GURIGA INA CABDISHAKUUR: seqdhexe, ayaa waxaa guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur weeraray ciidan ka tirsan NISA, oo ku dilay lix askari oo waardiye ka ahayd guriga, Cabdiraxmaan oo dhaawac ahna ka qafaashay, ka dibna saddax aqoolood afduub ugu haystay xabsi ku yaalla Muqdisho. Dhaqamaddii FAQASHTA ma soo xusuusateen?!

Weerarkan lagu qaaday guriga siyaasigu wuxuu caddeeyey aragtida gurracan, ee madaxfalluuqnimada ah, ee ay rabaan, in ay dalka ku hoggaanshaan madaxda sare, taas oo bannaanka soo dhigtay tuhunno iyo tusmooyin dad badan qabeen.

WEERARKII GURIGA CABDI QAYBDIID: sidii in aysan ku filnaan weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa maalin caddeey iyo duhur la weeraray guriga senator Cabdi Xasan Caawale Qaybdiid, ahna, guddoomiyaha guddiga labada aqal ee dastuurka. Xil iyo xasaanad la ma dhawrin, aan ka ahayn, in la FAQASHEEYO!

Sida uu qiray wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte, gugii tagay wuxuu ahaa, gugii ugu amnigaxumaa dalka, 7dii gu’, ee la so dhaafay. Halka ay eheed, in xoogga la saaro, sugisidda amniga, waxaa loo jeestay cabburin, xirid, weerarid guryo siyaasiyiin, xasaano ka qaadid xildhibaanno dalbasho iyo cagajuglayn, oo dhammaan lid ku ah awoodqaybsiga dawladeed iyo maamulwadaagga, ahna dhaqammadii rajiimka keligiteliyaha ahaa iyo FAQASHTII la la riday!

Marka laga tusaaleqaato dhacdooyinkii 2017, sanadkan 2018 ma muuqato yididdiilo iyo rajo, aan ka ahayn, in uu ka sii adkaandoono, haddii aan wax laga badalin aragtidii iyo hannaankii hore wax lagu soo waday.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/