canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Soomaaliya oo 26 Sano Kadib Ka qeyb gashay Shir Caalami Ah Dalka Turkey (Sawirro) | XOG-DOON NEWS

Soomaaliya oo 26 Sano Kadib Ka qeyb gashay Shir Caalami Ah Dalka Turkey (Sawirro)

Waxaa Shir Caalami ah uu ka dhacay Waddanka Turkiga kaasi oo Soomaaliya ay kasoo dhex Muuqatay Shirkaasi loogana Hadlayey Arimo Muhiim Ah.

Sida la sheegay inkabadan 200 Dawladood aya axaadiray ka qeyb galka shirkaasi iyadoo markii ugu horeysay lagu dhex arkay Shirka Soomaaliya muddo laga joogo haatan 26 Sano kadib.

Waxa Soomaaliya Magaceeda uga qeyb galay Shirkaasi oo ka dhacay Dalka Turkiga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiiska Maxamuud Cabdi Xasan (Beekoos) waxaana uu khudbad uu jeediyey sheegay inay Soomaaliya hadda dib usoo kabaneyso.

Wasiirka ayaa ku dheeraaday ka hadalka Xaalada Soomaaliya,Hormarka ay Cagta Saartay,Dawlada Loo soo doortay Dhawaan Hogaankeeda iyo Arimaha Nabad gelyada.

Dhamaan ka qeyb galayaasha Shirka waxay sheegeen inay urajeenayaan hormar ka ballaaran inta ay hadda heysato Soomaaliya iyagoo usoo hambalyo diray madaxweynaha dhawaan la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaan kala soco Wararka

.