Soomaaliya oo baaq u dirtay Qaramada Midoobay

0

Xukuumadda Federal-ka ah ee Soomaaliya ayaa baaq u dirtay Qaramada Midoobay, waxaana baaqa qeyb ka ahaa mid lagu horumarinayo Warbaahinta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyay in Soomaaliya ay tahay goob ay aad dadkeedu u jecelyihiin Warbaahinta loona baahanyahay in Arrintaas iyadoo laga faa’iideysanayo la tayeeyo warbaahinta dalka oo Taageero ka heleysa Hey’adaha dhanka Warfaafinta ee Qaramada Midoobay.

Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in Qaramada Midoobay looga baahanyahay taageero lixaad leh oo ay siiso DFS, waxaana dhinacyada ugu muhiimsan ee codsiga uu kaga hadlay ka mid aheyd horumarinta Warbaahinta dalka.

“Waxaan idinkaga mahad celinayaa dadaalkiina ku aadan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay’adaha Qaramada Midoobey iyo horumrka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatiijiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Yariisow.

Hadalkaan ayuu Wasiirku ka sheegay Shir muddo 2 Cisho ah u socday hey’adaha Qaramada Midoobay ee dhanka Warbaahinta iyo sidoo kale xubno ka socda Xukuumadda oo isagu uu hoggaaminayay.