SOOMAALIYA OO SAAMAYNTEEDII SOO CESHATAY

0

Dalalka bariga afrika mudo aad u dheer in la hagareeyo mooyaane cidina waxba uma qaban jirin,
Doorka muuqda ee dunidu ay ka cayaari jirtay geeska afrika wuxuu ahaa in la isku hubeeyo, la kala fogeeyo, la isku diro oo la kala ilaaliyo in ay is fahmaan,

Dawlada Federal ka ah ee Soomaaliya ayaa albaabada u furtay is faham si xawli ah u hana qaaday, ka dib markii ay Caasimada Muqdisho ku casuumtay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya DR Caabi Axmed, lana saxiixatay hashiis dan u wada ah labada dal ee dariska ah, daacadna laga wada yahay,

Waa is faham xalaal ah ee dhex mara labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya kiisii ugu horeeyay inta la ogyahay, Xariirka labada dal wuxuu waligii ahaa mid ku dhisan is nacayb iyo dagaal,

DFS doorkeeda muuqda ee ku dhisan is faham iyo is dhex gal xaq iyo xalaal ah oo ka dhex dhasha dalalka geeska wuxuu albaabada u furay is faham iyo nabadayn laga dhex dhaliyo dalalka Itoobiya iyo Eratariya oo meel ah iyo Jabuuti iyo Eratariya oo dhanka kale ah,

Walow aysan dawladeenu door muuqda ku lahayn hashiiska Itoobiya iyo Eratariya hadana iyada ayaa furtay albaabka is dhex galka,

Waxaase xusid mudan in DFS ay hindistay wanaajinta xariirka Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib casuumaadii Caabi Axmed, ay dhidibtay xariirka Soomaaliya iyo Eratariya ka dib Safarkii madaxwayne Farmaajo uu ku tagay Casmara,
Ay dhagax dhigtay xalinta khilaafkii Jabuuti iyo Eratariya ka dib safarkii uu Madaxwayne Farmaajo ku tagay Caasimadaha Djabuuti iyo Casmara, oo soo afjaray muran xuduudeedkii mudada dheer soo aloosnaa,

DFS waxay abuurtay is faham is jacayl iyo wada shaqayso dhex mara dalalka geeska, iyadoo garabsanaysa dalalka geeska ayay abuurtay udub dhiga urur goboleed u gaar ah dalalka geeska oo taariikhda markii ugu horaysay lagu hamiyay,

Waxay noqotay albaabkii is fahamka ee geeska afrika, wada ganacsi iyo is dhexgal bulsho ee geeska ka hirgalay taariikhda markii ugu horaysay ayay sabab u noqotay Dawladeenu,

Waxay sidoo kale abuurtay in si togan loola macaamilo dalalka geeska afrika, dunida oo markii hore aan ina qiimayn jirin ayaa ku qasbanaatay in ay raacdo wadadii ay Soomaaliya u furtay geeska Afrika,

Waa tan Dawladii Sacuudiga oo awal maalgalin jirtay Argagixisada geeska Afrika oo hada u istaagtay dhamays tirka hashiisyadii ay dawlada Soomaaliya asaastay,

Wadamada carabta oo waligood diidanaa dawlad awood leh oo ka hana qaada Soomaaliya ayaa hada xaalkoodu marayaa Ishii buktaay ku bikaacso,

Waxay quuri la’yihiin in dawlada Soomaaliya ay mar kale noqotay hormuudka Geeska Afrika oo is fahamsan, Soomaaliya oo saldhig u noqota ganacsiga Afrika ayaa ka dhaadhici la dawladaha carabta,

Si kastaba DFS waxay noqotay astaanta nabada horumarka iyo is dhexgalka dalalka dariska ah ee Soomaaliya, Jabuuti Itoobiya iyo Eratariya,

In dawladeenu ay hormuud u noqoto is fahamka geeska waxay badbaado u tahay Soomaaliya oo markii hore dariskeeda loo isticmaali jiray in lagu burburiyo,

Soomaaliya way socotay, ee yaan lagaa tagin.

W.Q: Shafici Roraye

Email: sha.roraye7@gmail.com

Sha.roraye@hotmail.com