Sooyaalka Taariikheed Ee Caleemo Saarka Madaxdii soo martay Soomaaliya

0

Caleemasaarka madaxweynaha 9aad, ee jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa lagayaabaa in uu ka dhigan yahay geeddi-socodka xasiloonida Soomaaliya oo tallaabo kale u qaaday dhanka fiican.

Maxamed C/laahi Maxaed; madaxweynaha sagaalaad ee jamhuuriyadda Soomaaliya waxa kahorreeyey 8; madaxweyne oo 4-kamid ah sidan oo kale xafladdooda caleemasaarku ay ka dhacday Muqdisho.

1960; kadib dabbaaldeggii xorriyadda iyo israacii labada gobo lee ay kasameysantay Jamhuuriyadda Soomaaliya Ahun Aadan Cabdulle Cismaan Daar ayaa lagu caleemasaaray Muqdisho.

Madaxweyne Aadan Cabdulaahi Cismaan, xilli madaxeedka 1960-1967

June-1967-dii, ayaa Muqdisho lagu caleemasaaray Ahun C/rashiid Cali Shar ma arke; madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomalaiya.

Xiili madaxeedka 1967-1969

1969-kii waxa is caleemasaaray Ahun Maxamed Siyaad Barre, oo iska dhiagay Afhayeenka iyo Hoggaamiyaha Kacaanka, kadibna, Madaxweynaha jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, ahna guddoomiyaha xisbiga hanta-wadaagga kacaanka Soomaaliyeed , ahna taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu labaxay magacyada Guulwade, Jaalle  Siyaad, Aabe Siyaad, Aabihi garasada iyo magacyo kale.

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, xilli madaxeedka: 1969-1991

January-1991-dii, kadib burburkii xukunkii ciidanka madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa lagu doortay Jibuuti, iyada oo uu gogosha fidiyey Ahun madaxweynihii hore ee Jibuuti Xasan Guuleed Abtidoon, iyada oo madaxweyne Cali Mahddi Maxamed lagu caleema saaray magaalada Jibuuti.

Madaxweyne Cali Mahdi,Xilli madaxeedka: 1991-2000

16, sano kahor, sanadkii 2000; Isla Jibuuti Shirkii dib u heshiinta ee Soomaaliya ee kadhacay tuuladacarta  waxaa lagu doortay Dr: Cqaasim Salaad Xasan, xafladdii caleemasaarka ee madaxweye Cqaasim Salaad Xasan, waxa ayiyana ka dhacday Jibuuti.

Madaxweyne Cqaasim SalaadXasan, Xilli madaxeedka: 2000-2004

2004; kadib shirarkii Eldoret iyo Mbagathi oo ka tirsan Keyna waxa lagu doortay Ahun: Gaashaanle sare C/laahi Yuusuf Axmed, xafladdii caleemasaarka madaxweyne C/laahi Yuusuf waxa ay ka dhacday Kenya.

Ahun: Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Xilli madaxeedka: 2004-2008

Dabayaaqadii 2008, isutagga baarlamaankii kmg ah ee jiray xilligaas oo lagu biiriyey tiro la eg waxa uu doortay Sh. Axmed oo ka tegey Asmara-erreteriya isaga o tegey Jubuuti, halkaas ayaana lagu caleemasaaray Madaxweyne SH, Shariif.

Madaxweyne SH. SHariif SH. Axmed, Xilli madaxeedka: 2008-2012

21, sano kadib burburka xukuumaddii ciidanka, sanadkii 2012, bishii September-ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu doortay Muqdisho, iyada oo xafladdii caleemasaarkiisuna ay ka dhacday caasimadda, waxa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee lagu doorto laguna caleemasaaro caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Xilli madaxeedka: 2012-2016

Maxamed Claahi Maxamed Farmaajo; ayaa noqonaya madaxweynihii 9aad ee jamhuuriyadda Soomaaliya, sidaas oo kaana waa madaxweynihii 5aad ee lagu doorto laguna caleemasaaro Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo

Xilli madaxeedka: 2017-2021

WQ: Axmed Ciise Guutaale

Dersa Sharciga iyo Qaanuunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here