Su,aalo dul saaran Hugaamiyaasha Kismaayo ku shirsan Saxiibada Michael Keating!!

0

Kooxda la baxday Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada ee Kismaayo lagu dhisay 08 Octobar 2017 ayaa Kulan aan Ajanda muuqda lahayn ku leh Magaaladii lagu dhisay, waxaase ka faa’iidaystay Michael Keeting oo waqtigii uu Somalia joogii lahaa ka dhamaday asagoon in badan kasoo dhaxmuuqan Shirarka looga hadlayo Arimaha masiiriga ah ee Somalia fursadna u waayay inuu Dhaxdhaxaadiyo ama kusoo baxo Hay,addaha Dowladda dhexe oo is qabsada ama inuu Dowladda Federalka kala hadlo Tabashooyinka Kooxda Kismaayo ku shirsan, Keating iyo ayaga waxaa markaan walaaleeyay in Waqtigu ka wada dhamaadaay waana laysi sagootiyay.

Kulanka waxay ku sheegeen inuu ajanda lee yahay oo uu ku soo aaday Somalia oo Xaalad kala guur ku jirta, Balse Xaqiiqduu taas ka fog oo Kooxdan ayadaa ku jirta Xalad kala guurka ah intooda badana Waqtigoodii Fashil iyo Foool Xumo ku dhamaystay, Kulanka waxay ku sheegeen in looga hadlayo arimaha ka dhaxeeya Maamulada ay hugaamiyaan,

Waa su alle maxaa ka dhaxeeya Kismaayo iyo Baydhabo , Garoore iyo Dhuusamareeb, iyo Jowhar. oo ku jira Gacanta Kooxda ku shirsan Kismaayo?

Marka loo fiirsho Muqaalka beenta ah ee ay Dadka Somaliyed ka gadayaan wax ayaga ka go ama Gacantooda ku jira kama dhaxeeyaan, Gaas, Galaas biyaa kama siiyo Xaaf Daqliga kasoo baxa Puntland, Shariif Xasana Axmed Madoobe kama siiyo kaalmada Dowladaha Shisheeye siiyaan,Waarena Warkiisa daa Xarig uu hayaba Xolo kuma jiraane, Waxaa Dalka Dadka ka dhaxeeya waa inta ku jirta Gacanta Dowladdda Dhexe, taas Axmed Madoobe ayaa qiray oo Sheegay in loo soo dhiibay Saanad Milatari oo DF-ku soo dhiibtay Oadaygu intaas inuu sheego ma rabin ee Afkaa ka xaday oo waxuu qariyay in Bilkasta Dowladdu bixiso Musshaarka CXD ee Jooga Meelaha ay sheegtan inay ka arimiyaan asaga iyo Saaxiibadiisa, iyo in 150 kun Laga siiyo Qasnada Dowladda Maamulkasta.

Arimaha aan la yaabay markaan arkay Hadalada Koooxdan waxaa kamid ah in inay ka hadlayaan nuuca Ciidan ee Somalia yeelanayso, Gaas oo Hadal u jeedinaya Raga Doonta la saaran iyo Saxiibkood Keeting ayaa yiri ” Dowladdu waxay dhisaysaa Ciidan maxay yihiin kuwa aan anagu hayno ee Daraawiishta Puntland, Jubbaland, iyo Koofur Galbeed. Ciidan Qaran maaha miyaa?, Dr Gaas haloo sheego in Ciidanka uu ka hadlay yihiin kuwa u adeega Danaha asaga iyo Raga Doonta la saaran Dadba qaba inay yihiin Maleeshiyo Beeleed ka shaqeeya Danaha Beelaha Deeganada balse anigu Heerkaas waa i gala hooseeyaan oo waa Kuwii loo adeegsanayay in ay Garoomada ka Celiyaan Masuuliyiinta Dowladdu soo magacowdo ee kasoo jeeda Beelaha Degaanada ay Kaligood Talisnimada ku joogan raga Kismaayo ku shirsani.

Markale yay soo hadal qaadeen inaan laga talo galin Arimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka!, Riwaada ay u darayaan Dadka qaar waan ka diiday oo Arimaha Dastuurka, Doorashooyinka iyo Dhaman Howlaha masiiriga ah Waxaa Dadka Deegaanada ay joogan ku matala Xildhibaanada labada Gole, Guddiyo ay hugaamiyaan Dad kasoo jeeda Goobaha ay lee yihiin waxbaan u raadinaynaa iyo Wasiiro.ku jira Dowladda Dhexe, Warkoodu waa boor isku qaris ee waa hala Qanciyo Gaas, Waare, Xaaf, Madoobe, Shariifka Baydhabo.

Hala qanciyee Ayagu Dadka ay haystaan ma qanciyaan?, Xaaf oo Kismaayo ka Hadlayay waxuu sheegay in Kooxda Shabaab Galmudug Ka Afduubatay 70 Oday, Kismaayo miyuu ka doonay Ciidankii soo furan lahaa?, Axmed Madoobe ayaa Sheegay in Dalka uu ku socda Wado qaldan oo uu burbur qarka u saaran yahay Al-shabaab ayuu sheegay inay qabsan karaan Deegano Horleh oo ay ka awood badan yihiin Dowladda, waxaan is iri Odaygu waa Xog ogaal oo Awoodda Kooxda ayuu ka war hayaa waxaana Rumaystay Dad marar badan i yiri Miciyo Axmed Madoobe iyo A-shabaab hoosbay ka Xariiraan, ma Qanciyaan Dadka ay Haystaan mana Dhowraan Dastuur ee Tuugu intaadan Tuug dhihin Tuug ku dhahaa.

Saxiiibkood Michael Keating oo asna Sagootinayay qaar kamida Saxiibadiis ayaase Axmed Madoobe ku diiday in Somalia ay Wajahayso Xaalad Xun Burbur iskaba daaye. Waxuu sheegay in Sadexdii sano oo Muqdisho Joogay Dalka Somalia uu Dhaqaaqay oo Wada Hormarka Cagta saaray asagoo Maan gaabnimo ku tuhmaya Saxiibadiis ayuu Xasuusay inay Jirto Caqabad la Xariirta Federalka oo Somalia aysan wili Faham buuxa ka haysan, waxuuna u raaciyay in Caqabadda Faderalku ay wili saamayn ku leedahay Dalaal Boqolaal sano ka hor qaatay Nidaamka sida Maraynka, Jarmalka iyo Ingiriiska.

W.Q: Ali Yare Abdiwahab Aden
Email Caliyareg@gmail.com.