Taabit Cabdi oo si kulul uga hadlay Arinta Imtixaanka iyo go’aanka Wasiir Goodax

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana duqa Muqdisho ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Awooda Shacabka Taabit Cabdi Maxamed  ayaa si kulul uga hadlay Go’aankii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu ku joojiyey Imtixaankii socday iyo banaanbaxyadii ay dhigeen Ardayda.

Taabit Cabdi waxa uu sheegay in nasiibdarro ay tahay waxa ku dhacay Ardayda Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka Berito ee dalka,waxaana uu u rajeeyey Wasaaradda Waxbarashada,Ardayda iyo Waalidiinta ay isku ragti ka noqdaan Imtixaanka,isla markaana muranka jira laga gudbo.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay tahay waajib saaran qof walba oo Soomaali ah in uu dhageysto cabashada Ardayda Soomaaliyeed loona baahan yahay in loo dabacsanaado, si wadajir iyo wadashaqeyn looga gudbo wixii dhacay.

Go’aankii habeen ka hor Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu ku joojiyey imtixaankii fasalka 12aad ee shahaadiga ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ay dhigeen Ardayda Soomalaiyeed badankood iyo go’aano ay qaateen Maamulada qaar ee dalka ka jira.