Taariikhda Lugooyadii ay Kenya Ku burburisay dowladihii soo maray Soomaaliya iyo go’aanka looga fadhiyo Farmaajo

0

 

Dhawaan waxaa Soomaaliya madaxweyne ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah shaqsi wadani ah oo diyaar u ah inuu dalka wax u qabto.

Dowladihii hore ee Soomaaliya soo maray ayaa la aamisan yahay inay ka socon weysay dowladaha dariska weliba Itoobiya iyo Kenya kuwaas oo Soomaaliya ka leh dano gaar ah oo ay ugu weyn tahay in ugu dambeyn ay kala qeybsadaan dhulka Soomaalida.

Haddaba warbixintaan waxaan ku eegi doonaa taarikhdii hore ee Soo dhex martay Soomaaliya iyo Kenya oo kooban, kadib waxaan fallanqeyn doonaa sida uu noqon doono xiriirka  Dowladda uu hoggaamiyaha ka yahay Farmaajo iyo Kenya oo uu madaxweyne ka yahay Uhura Kenyatta.

Taariikhda Labada dal oo kooban:

Tan iyo Xornimaddii dalka Somalia marna heer wanaagsan ma gaarin xiriirka Somalia iyo Kenya, waxaana taasi ugu wacan muranka soo-jireenka ee dhulka NFD ee W/bari ee dalka Kenya oo uu Gumeysigii Ingiriiska u hibeeyey Kenya.

Dowladihii soo maray labada dal waxay ogaayeen gocashadaasi, iyadoo Dowladda Kenya sheegtay inaan gorgortan laga geli Karin Milkiyadda Deegaannadda NFD oo ay Qowmiyadda Soomaalidu deggankoodu yahay.

Caburin Milliteri oo saamayn ku yeelatay dadka deegaanka ayaana lagu xusi karaa Sooyaalka Taariikhda ee Goballadda NFD, taasi oo keentay inay dhismaan Jabhaddo Xornimo-doon ah, laakiin Jabhadahaasi waxaa lagala hortegay gacan bir ah.

Xasuuqii Wagalla ayaa lagu tilmaamaa Xasuuqii ugu argagaxa badnaa ee lagula kacay Soomaalida degganaa NFD, iyadoo la sheegay inay Askarta Kenyaatiga si saf-mareen ah u dileen in ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo lagu dilay deegaan 10-km u jirta Degmadda Wajeer.

Xasuuqaasi ayaa ku taariikheysan bishii February 10-dii ee sannadkii 1984-kii, waxaana dhegta dhiigga loo daray Kumanaan qof oo ka mid ahaa Soomaalida degganaa Gobalka NFD ama W/Bari ee dalka Kenya.

Muranka dhulka ka maqan dal-weynaha Somalia ayaa u muuqda inay hadal-hayntiisa meesha ka baxday tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu burburka ku yimid Nidaamka Dowladnimo ee Somalia, isla markaana Soomaalida galeen Cahdi Dowlad la’aaneed.

Burburkii Soomaliya iyo sida ay uga faa’ideysatay

Burburkii Dowladnimo ee Somalia waxay fursad siyaasadeed u noqotay Kenya maadaama ay ka yaraadeen cabsidii Dowladdii Kacaanka iyo cabsidii ka haysatay Kacdoonka dadka Reer NFD ee Xornimo-doonka ahaa.

Maamulayaasha Kenya waxay dardar-geliyeen inay Soomaalida soo qaxay ku soo dhaweeyaan dalkooda, waxayna u qoondeeyeen Xerooyin Qaxooti oo ku yaalla Goballadda W/bari oo ay haatan ku jiraan in ku dhow 500,000 oo qof.

Miisaaniyad xoog leh ayaa uga soo burqatay Xerooyinka Qaxootiga, maadaama ay Hay’addaha QM, siiba Hay’adda Qaqootiga ee UNHCR kharajkooda ku bixiyaan Adeegyadda darruuriga ee ay uga baahan yihiin gudaha Kenya.

Furfurnaanta dadka Soomaalida ayaa horseeday inuu kobco dhaqaalaha Kenya iyo inay dhismaan Mashaariic ganacsi oo ay Reer Kenya galti ka ahaayeen.

Ganacsatadda waa weyn ee hantidooda kala soo cararay dagaalladdii sokeeye, kuwii beeleed iyo kuwii siyaasadeed ee dalkeenna ka holcayey tan iyo sannadkii 1992-kii ayaa waxay Maalgashi Mashaariic Ganacsi ka bilaabeen Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

Islii oo noqotay ubucda ganacsiga iyo deegaanka ee dadka Soomaalida ayaa waxaa laga hirgeliyey kumanaan goobo Mehraddo Ganacsi iyo Deegaan.

Dabaqyadda casriga iyo Dukaamaha waa weyn ee badeecad kasta lagu iibiyo ayaa waxaa ka hinaasay Muwaadiniinta Kenya oo iyagu la anfariiray Soomaalida soo-galootiga sida ay Hawlaha Ganacsiga u kala wadaan.

Xiriirka Kenya iyo dowladihii soomaaliya burburka kadib

Dowladda Kenya waxay kamid tahay dowladaha ay ka socon weysay dowladihii soo maray Soomaaliya, waxayna markasta ku dadaashaa inaysan Soomaaliya tallaabo fiican horey uqaadin.

Kenya ayaa ku fakareyso haddii Soomaaliya ay yeelato dowlad awood leh ay taas keeni karta inay soomaalida ka maarmaan dalkeeda, waxayna midaas ku keeneysaa inay dhaqaalo badan weyso. Kenya ayaa Soomaaliya maalin kasta ka hesho Malaayiin Dollar taas badalkeedana waxay dalkeena usoo safrisaa maandooriyaal aan baahi iyo oon midna looga baxeyn.

Dowladihii hore ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre waxay ku dadaali jirtay inay xakameyso muqaadaraadka, inkastoo si hoose dalka loo keeni jiray mana aheyn wax sidaas usoo badan.

Kenya ayaa kamid ah dowladihii ka shaqeeyey in dowladihii soo maray dalka aysan waxba shacabka u qaban   iyadoo ku dhex abuuratay siyaasiyiin calooshood u shaqeystayaal ah oo doonayo lacag iyo dano kale kuwaas oo markasta ka shaqeenayey sidii ay dowladda ugu fashilmi laheyd shaqooyinka looga baahnaa.

Xiriirka dhex mari Kenya iyo dowladda cusub

Hadda dalka soomaaliya waxaa ka dhacday doorasho xalaal ah taasoo kentay in madaxweyne loo doorto Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo inta aan ka arkay ah shaqsi ku wanaagsan horumarka, tayeynta ciidamada iyo cadaaladda isla markaasna laga rajeenayo inuu dalka wax badan u qabto.

Haddaba dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa ka doodayo sida uu noqon doono xiriirka Kenya iyo  Dowladda Farmaajo oo looga fadhiyo inay dalka ka celiso dowladaha aan rabin horumarka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan Kenya iyo Itoobiya.

Haddii dowladda Soomaaliya ee cusub rabto inay si fiican u shaqeyso wadankana ay hanato waa inay siyaasad  caqliyeysan la isticmaalo la iskana ilaaliyo shaqsiyaadka danaha shisheeyey u adeegayo.

Macquul maaahan in Dowladda cusub ay dhahdo xiriirka ayaan u jareynaa dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo aan hormar la rabin Soomaaliya sababtoo ah waa dowlado cadaw ku ah shacabka soomaaliya waxayna midaas keeni kartaa inay sameeyaan tallaabooyin ka waaweyn kuwii ay horey ugu soo burburiyeen dowladihii ugu dambeeyey.

Siyaasadda ugu fiican ee loo adeegsan karo lagana sugaayo Farmaajo waa siyaasad dabacsan oo la fiirinayo danta Soomaalida, adduunka labadii dowlad ee kasta kuwaas oo xiriir ka dhaxeeyo waxay kala faa’idaan dano.

Waa inay dowladda Soomaaliya il gooni ah isaga fiiriso Dowladda Kenya isla markaasna Kenya la tuso inay Soomaaliya ka hesho lacag xad dhaf ah weliba geed maandooriye ah oo aan laga heleyn wax faa’ido ah iyo horumar ayey dalkeena usoo dhoofisaa.

Xiriirka ugu macquulsan ee labada dowlad dhexmari karo waa inay Kenya joojisaa dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku heyso gudaha Soomaaliya iyo gudaha Kenya.

Sidoo kalana midda ugu muhiimsan waa inay Kenya Soomaalida u fududeyso Dal ku galkeeda, dadkana laga joojiyo imtixaanka lagu marinayo Wajeer.

Haddii  ay intaas diido waxaa dowladda cusub looga fadhiyaa inay joojiso jaadka Soomaaliya kaga yimaado dalka Kenya taasoo ah wadada kaliya ee Kenya Looga adkaan karo.

Midda aan iloobi doonin inta aan noolahay waa tallabadii u Xasan Shiikh Maxamuud qaaday markii Soomaaliya laga joojiyey jaadka markaas oo ay kulan muqdisho ku yeesheen isaga iyo madaxweynaha Kenya.

Midda aan la calool xumaaday waxay aheyd inuu  Xasan ogolaado in Kenya subaxa xiga heshiiska loo ogolaado inay Soomaaliya keenta jaadka, halka kenyana 3 bil ay qabsato inay Fiisaha soomaalida u fududeyso lana joojiyo diyaaradaha wajeer lagu leexinaayo.

Waxay aheyd fursad weyn oo soo martay Soomaalida, Kenya danta ay Soomaaliya ka hesho iyo midda aan ka helno waxaa badan midda ay naga hesho sidaas darteed waxay aheyd inay iyada maalinta xigta heshiiska ay waxa looga baahan yahay fududeyso Soomaaliyana ay markaas kadib jaadka fasaxdo balse waxaa riyadii rumowbi rabta cagta mariyey Xasan Shiikh Maxamuud oo aan garan waayey halka uu damiirka ka aaday.

Fursadii uu shalay qasaariyey Xasan waxay hor taalaa madaxweyne Famaajo oo looga fadhiyo inuu danaha shacabka ugu hiiliyo kursiga uu ku fadhiyo oo ah meel loogu talagalay in Soomaaliya loogu adeeggo.

Dhihi maayo Xiriirka haloo jaro, balse waa inay Kenya ogolaato inta ay Soomaaliya ka rabto oo kale, shacabkaan waa shacab mujaahidiin ah oo waligoodba aan ogolaan in lagu tunto, haddana ma ogolaan doono balse waxay u baahan yihiin hoggaamiye dhiigooda dhaqaajiyo si loo soo celiyo sumcadii aan laheyn.

Ugu dambeybtii waxaan talo ahaan usoo jeedin lahaa inuu Farmaajo la fadhisto dowladda Kenya, una sheego in Soomaliya ay ka baxday xilligii  wixii la rabay laga sameynsan jiray maantana ay rabto inay laba dowladood yeeshaan xiriir ku saleysan (dan wadaag maya dan gaar ah).

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here