Taliban: Gabdhaha dhawaan ayay dib ugu laabanayaan Waxbarashada Dugsiga Sare.

0

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanistan Qari Siciid Khosty ayaa sheegay in qorshaha Taliban uu yahay in dhawaan Gabdhaha loo fasaxo Waxbarashada Dugsiga Sare kaddib markii uu saameeyay isbedelka ka dhacay Dalkaas August 2021.

Qari oo marti ku ahaa Barnaamijka “La hadal Aljazeera” ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee uu afhayeenka u yahay ay diyaarisay qorshaha cusub oo Gabdhaha ay kusii wadanayaan waxbarashadooda.

“Fahamkeyga & Xogteyda la xiriirta waxbarashada, waqti aan sidaas u fogeyn waxaa dib loo fasixi doonaa Goobaha ay wax ku dhintaan, Gabdhaha & Haweenka waxa ay ku laaban doonaan fasaladooda” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Taliban.

Haweenka Macalimiinta ah (Barayaasha ah) ayuu sheegay in ay halkooda kasii wadayaan Waxbarashadada Iskuullada inkasta oo uusan meesha ka saaran in nidaam cusub lagu soo rogi doonno goobaha wax lagu barto.

Taliban ayaa awoodda Afghanistan ku qabsatay bilaa dagaal 15-kii Augusto 2021, Mareykanka & xulafadiisa ayaa isaga baxay 30-kii August 2021  waxaana uu soo afjaray joogitaankii 20-sano ee dalkaan dhaca Qaaradda Aasiya.

Maryekanka & Taliban ayaa wadahadal muddo dheer uga socday Magaalada Dooxa Caasimadda Dalka Qatar, wada-xaajoodkaas ayaa udub dhexaad u noqday in si nabadgalyo ah Taliban ka mira-dhaliso halgankeeda.

Mustaqbal