Taliban oo dalbatay in uu Xilka ka dego Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani!

0

Kooxda Taliban ayaa soo bandhigtay xalka lagu heli karo nabadda Afghanistan kadib markii ay isku ballaariyeen dhul baaxad weyn oo ay isaga soo baxeen Mareykanka iyo xulufada la joogta dalkaas.

Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen ayaa Wareysi uu siiyay Wakaaladda AP (Associated Press) ku sheegay in Haddii uu xilka ka dego Madaxweyne Ashraf Ghani nabad loo helayo Dalka Afghanistan.

Waxa uu meesha ka saaray in Kooxda ay dooneyso xukunka oo si xoog ah ku qabsato, balse talo soo jeedintoodu tahay in uu xilka wareejiyo, kadibna la dhiso Dowlad KMG ah oo ka shaqeysa Doorasho guud waa sida uu hadalka u dhigay Suhail.

Dhanka Dowladda Afghanistan wali kama aanay hadlin dalabka cusub ee kasoo yeeray Taliban oo ah in uu xilka ka dego Madaxweynaha 14-aad ee dalkaas Ashraf Ghani oo xafiiska la wareegay 29 September 2014.

Ergo ka kala socotay Dowladda Afghanistan & Kooxda Taliban ayaa todobadkii hore wadahadal ku yeeshay Magaalada Dooxa Caasimadda Dalka Qadar iyaga oo ku heshiiyay afar qodob oo udub dhexaad u ah nabadgalyada dalkaas.

Mareykanka ayaa labaatan sano kadib ciidankiisa kala baxaya Afghanistan, waxa uu ciidan kooban kusoo reebayaa meelaha muhiimka ah oo ay kamid tahay Safaaraddiisa Kabul sida uu sheegay afhayeen u hadlay Xukuumadda Washington.

Mustaqbal