Taliska Africom oo Shaaca ka Qaaday in Al-shabaab, Boko Haram iyo Daacish ay Khatar weyn ku yihiin Afrika

0

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneral Thomas Waldhuauser ayaa sheegay in kooxaha Argagixisada ay khatar ku yihiin Dalalka Afrika.

Hawlgalka Maraykanka ee Afrika, ayaa darsa Walaaca Ammniga, khatarta kooxaha Argagixisada iyo hawlgallo lagula Xoogaga kooxaha xiriirka la leh Daacish iyo Al Qaacida.

Jen. Thomas Waldhuauser, ayaa dhawaan magaalladda Brussels kula kulmay madaxda difaaca ee Midowga Yurub, waxayna ka wada hadleen xaaladdaha wadamo kamid ah Qaaradda Africa, Dhaq-dhaqaaqyadda kooxaha Daacish, Boko Haram iyo Al-shabaab, kuwaasoo hadda ka dagaalama Afrika.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxahaasi ay wajahayaan dib-u-riixid military. Kooxaha ka dagaalama Africa waxaa ay Qatar xooggan ku yihiin Qaaradda, ayuu hadlkiisa sii raaciyay.

Horaantii bishan May, Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Muqdisho kula kulmay Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka u jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Thomas Waldhuauser.

Kulankaas oo ahaa mid Albaabadu u xirnaa waxaa kaloo ka qayb-galay Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Taliyaha iyo Abaanduulaha XDS iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz iyo Saraakiil kale.

Ugu dambeyn, Ilo ku dhow-dhow Madaxtooyadda ayaa sheegayo in Kulnkaa looga hadlay Tababarka iyo Qalabaynta Ciiddanka XDS iyo Hawlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.