Taliska Ciidanka xoogga ee Gobolka Gedo oo fulinaya amar kasoo baxay Madaxda Dowladda

0

Taliska Ciidanka Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa shaaciyey in ay soo dhaweynayaan Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee maalmihii la soo dhaafay isku-soo dhiibayay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya

Taliyaha guutada 1aad ee taliska qeybta 43aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Bedel Maxamed Bedel aya sheegay in iyaga oo fulinaya amarka Madaxda ugu sareysa dowladda ay soo dhaweynayaan xubnaha isku-soo dhiibaya dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa  uu ka dalbaday dhalinayrada iyo saraakiisha Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,sila amrkaana dhankooda ay daryeel wanaagsan ka heli doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkaan kasoo baxay taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa kusoo aadaya xilli dabayaaqadii Bishii Apriil ee sanadkaan gobolka Gedo qeybo ka mid ah ay iska-soo dhiibeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.