Taliska Meletariga Soomaaliya oo xaqiijiyay in Saraakiil Shabaab ah lagu dilay Duqeyntii Basra

0

Taliska ciidanka Meletariga ee DFS ayaa sheegay in duqeyn xalay ka dhacday gobolka Shabeellaha dhexe lagu dilay Saraakiil iyo Debley ka tirsan Al-shabaab.

Xalay ayaa mar qura dadka deegaanku waxay maqleen dhowr Gantaal oo ku dhacay deegaanka Basra oo u dhexeeya Afgooye iyo Balcad oo labada Shabeelle ka kala tirsan, waxaana duqeyntaas ay aheyd mid ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Taliyaha 12-April ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Cumar Xasan Aadan(Cumar dheere)  oo u warramayay Wakaaladda SONNA ayaa xaqiijiyaya in duqeyntaasi lagu bartil maameedsaday Saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, xilli ay Shir ku lahaayeen halkaas.

13 xubnood oo ay ku jiraan Saraakiil ayaa Shabaab weerarka looga dilay sida ay sheegeen Saraakiisha xooga dalka, in kastoo aysan Al-shabaab dhankooda wax war ah kasoo saarin Khasaaraha kasoo gaaray Duqeyntii ugu dambeysay ee Shabeellaha dhexe.

Deegaanka Basra waxaa shalay ku dagaallamay ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab iyadoo sida wararka qaar ay sheegayeen ay Al-shabaab halkaas qabsadeen, in kastoo Abaanduulaha ciidanka Xoogga Janaraal Caanood uu Arrintaas beeniyay.