Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay ayaa sheegtay in Ciidanka Militariga ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen wadda xariirisa degaanada Qoryooleey iyo Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ay ku dileen Xubno ka tirsan Al Shabaab.
Howlgalkaan oo ahaa “mid Qorsheysan” sida laga soo xigtay saraakiisha Militariga ayaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jira Saraakiil & Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kusugna tuulooyin xariiriya Janaale iyo Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo la warbaahinta Ciidamada ayaa sheegay in Howlgal gaar ah ay Ciidanka Danab ka fuliyeen wadada u dhexeeysa Janaale iyo qoryooleey ee gobolka Shabellaha Hoose ay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo isugu jira Saraakiil & Xubno ka tirsan Al Shabaab howlgalkuna uu wali socdo.
Dhanka kale Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa qarax lagula eegtay wadada u dhaxeysa degaanada Danoow iyo Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka degaanka qaarkood ayaa ku waramaya in ay maqlayeen dhawaqa jugta qaraxa, sidoo kale qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan la xaqiijin khasaaro kasoo gaaray dad Shacab ah.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, waxaana warar ay ku daabaceen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen laba askari oo ka tirsan AMIOSM.
Saraakiisha Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM weli kama hadlin weerarka ciidanka Midowga Afrika lagu qaaday.