Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Codsaday in la Dedejiyo Dhismaha Xabsiga iyo Maxkamadaha

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dedejiyo dhismaha Xabsiga iyo Maxkamadaha, ka gadaal Booqasho uu shalay ku tegay xarumaha ay dhismeyaashu ka socdaan.

Waxaa Taliyaha Socdaalkiisa ku wehlinayay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Ciidanka, iyadoo ay doonayeen in ay kasoo warhelaan xarumaha dhismuhu ku socdo.

Kalsooni badan ayuu ka muujiyay in dhismaha xarumahaas uu noqon doono mid si deg-deg ah lagu soo Afjaro, balse wuxuu intaas ka badan sii codsaday in wax walba sida ugu sahlan ee lagu dhammeystiri karo lagu dhammeystiro.

Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyay in ay tahay lagama maarmaan in howshaas sida ugu dhaqsaha badan loosoo Afjaro si loosii dardar geliyo shaqooyinka ay Xarumahaas qaban lahaayeen.