Taliyaha cusub ee Nabad Sugidda oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay

0

Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Taliyaha Cusub ee Nabad Sugidda Qaranka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya.

Xuseen Cismaan Xuseen, Taliyaha NISA oo dhowaan la magacaabay ayaa wuxuu kulan la qaatay Danjire Meachel Keating, waxayna ka wadahadleen Taageerada qaramada Midoobay ee dhinaca Amniga ah.

Labada Mas’uul ayaa ka wadahadlay wax ka qabashada Ammaanka, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Muqdisho ka dhaceen weerarro ay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Danjire Meachel Keating ayaa sheegay in Saaxiibada Soomaaliya ay sii wadi doonaan taageerada dhinaca Ammaanka ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isla markaana laamaha dowladda ee Amniga ka shaqeeya ay habboontahay in ay ka wada shaqeeyaan howlaha horyaalla.