canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Talooyin ku socda Madaxweynaha la doortay | XOG-DOON NEWS

Talooyin ku socda Madaxweynaha la doortay

Waxay mahad oo idl u sugnaatay ilaahay oo si nabad ah noogu soo gabagabeeyey doorashadi daba-dheeraatay oo dhowr jeer dib uga dhacday xilligii loo asteeyey inay qabsanto. Waxaa sidoo kale mahad naga mudan Barlamaanki doortay madaxweyne Farmaajo oo go’aansaday in laga weeciyo waddanka tubta uu ku socday, doortayna in ay horsed ka noqdaan saman cusub oo yadadiilo ku milgantahay.
Intaa ka dib, marka ay soo gabagaboobaan tahniyada farah badan, fantasiyaha iyo dabaaldagyadana dhamaadaan, caadifadana dagto, qof waliba waxa uu dib ugu laabanayaa gurigii ka soo toosay asaga oo xaalkiisuna waxba iska badalin, waxaa sidoo kale loo soo laabanayaa xaqiiqda dhabta ah ee waddanka ka jirta, taas oo cid waliba oo garaad leh aysan daah ka saarnayn, qof kasta oo hoggaanka dalka qabataana uu madaxa ku qaadayo.
Dhibaatooyinka iyo taxadiyada madaxweynaha cusub horyaalla waa ay tiro badanyihiin, waxayna isugu jiraan kuwa gudaha ah, kuwa heer gobol ah iyo kuwa caalami ah oo u baahan xikmad, dulqaad, aragti siyaasadeed, dad isku-hayn iyo inuu wax badan ka fiirsado cidda uu isku hareerayn doon marka uu salka dhigto. Haddaba waxaan madaxweynaha cusub u soo jeedin lahaa talooyinkaygamutwaadica ah:
1- Mudana madaxweyne waxaad taladiisa la wareegtay waddank dadkiisu 60% in ka badan ay yihiin kuwa aan wax qorin waxna aqrin, in ka badan 70% ay yihiin dhalinyaro ay daashatay shaqo la’aan baahsan oo ku qasbtay qaarkood inay baylah u noqdaan ururo si qaldan uga faa’iidaysto, qaar kalana ay badah ku maanshoodeen ayagoo ka cararaya duruufahaas adag, khasnadihiisu maranyihiin, guud ahaana dadku waxay la daalaa-dhacayaan diihaalka abaaro soo noqnoqday oo kalaaftay xoolihii dadka reer miyigu haysteen. Sidaa darteed waxaad u baahantahay inaad qaadatid istiraatiijiyad wajahayso dhibaatooyinkaas oo idil, iyada oo mudnaanta la siinayo sida ay u kala daranyihiin.
2- Inaad u xulato mansabka R/wasaaraha qof farsamo yaqaan ah (technocrat), awoodna u leh inuu tarjumo aragtidaada siyaasdeed, una badali karo xaqiiq la taaban karo uu muuqata, iskuna daydid in khilaafka idin ka dhax dhasha aad ku xalisaan si ilbaxnimo iyo talo is-dhaafsi ay ku dheehantahay, danta guudna ay idiin noqoto xeerka iyo xeendaabka aydan ka gudbi Karin.
3- Marka aad gurigaada hagaajisid ayaad dadka kale fari kartaa inay ixtiraamaan sida aad gurigaada u maamulanaysid. Meesha ugu horaysa ee guriga laga nidaaminayo ayaa ah in loo maareeyo dhaqaalaha waddanka soogala, ay cadahayna meesha ay ka yimaadaan iyo halka lagu bixinayo. Markaas ayaad ku qasbi kartaa shuruudahaada cidda rabto inay ku kaalmayso.
4- In mu’assasaadka maaliyadeed (sida wasaaradda maaliyadda iyo bangig dhexe) laga xoreeyaa saamaynta madaxda sarsare ku leeyihiin mu’assasaadkaas, lana xoojiyaa hay’ada kale ee shaqadooda kaaba sida xisaabiyaha guud iyo hanti-dhowrka ayna noqdaan dadka mas’uul ka noqonaya kuwa karti, hufnaan iyo aqoonba u leh hay’adahaas, si buuxdana loogula xisaabtamo hawsha ay qabanayaan.
5- In waddada loo marayo dhisidda ciidan qaran ( ciidanka laamihiisa kala duwan) oo hanan-kara ammaanka waddanka, soona gabagabeeya maleeshiyo beeleedyada ku firirsan waddanka gudihiisa, lana joojiyo gabi ahaanba mashaariicda loogu yeeray “ tabarka ciidanka” oo dawladaha shisheeye wataan ee khatarta ku ah amniga dalka, burburinaysana dunta bulshada soomaaliyeed. Waxaan shaki ku jirin ay aad u adagtahay taxaddi xooglehna hortaaganyahay, balse safarka kunka mayl ah waxa uu ka bilowdaa hal tilaabo sida ay yiraahdaan. Ciidan kooban oo tayo leh waxa uu ka wanaagsanyahay ciidan tiro badan oo magac ah meel ay joogaanna la garanayn. Dhisitaanka ciidan Somaaliyeed waxa uu u baahanyahay istiraatiijiyad garaadaysan (Smart Strategy) ayaadoo la ogyahay duruufaha siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo danaha jiyo-bolitikada ee ku gadaaman hana-qaadka ciidan tayo leh (haba noqdo ciidankaas mid tiro ahaan kooban).
6- Khatarha taagan ee waddanka maanta ka jirta waxaa ugu horeeya kuwa la xariira ammaanka oo ka imaanaya ururada arggagixiso oon taag daran balse marka ay waayeen cid iyaga weerarta ay iaygu noqdeen kuwa la wareegay hoggaanka weerarka, dawladuna noqotay mid dhagxaan maciin-bidday waxaan u soo jeedin lahaa xukuumadda cusub inay qaadato siyaasad labo wajileey ah, lana adeegsado abaalmarin iyo: ciddii iska daysa oo faraha ka qaado arggagax galinta dalka iyo dadka in loo fidiyo cafis, loona sameeyo dhaqan-celin ka hor inta aan bulshada dib loogu siidayn; kuwa aan iska dayn falalka arggagixisnimo in si dhab ah loo wajaho, loona diyaariyo guutooyin ciidan oo si heersare ah loo tababaray oo guur guura, ujeedkooduna yahay inay laga racdeeyo ururadaas meelaha iyo magaalooyinka ay hadda gacanta ku hayaan.
7- In dadka aad isku hareeraynayso noqdaan kuwa kugu la taliya waxa aad u baahantahay inaad maqasho, aysan noqon kuwa kugu la taliya wax aad rabtid inaad maqashid, la loollamana aragtiyadaada marka go’aamada la qaadanayo, balse marka go’aanka la qaato qeyb ka noqdaan cidda fulinaysa.
8- Dadka xaashiyada ama gurgurka madaxweynaha ka mid noqonaya waxaan usoo jeedin lahaa inay saddaxdaan arrimood mudnaanta siiyaan:
 Inay madaxweynaha u sheegaan wixii run ah oo xaqa iyo xaqiiqda waafaqsan;
 Inay damiirkooda sifeeyaan aysanna mudnaanta ugu sareeysa siin wax maadi ah oo dhamaanaya ama laga dhimanayo;
 Inay ilaahay ka cabsadaan maxaa yeelay barito waa la weydiinayaa mas’uuliyadaas ay qaadeen.
9- In la sii xoojiyo sidii looga mira-dhalin lahaa doodaha ka taagan siyaadadii ama madaxbanaanidii dalkaee la xariirta badda iyo hawada.
Taxadiga ama loollan ka jira gobal aan ku noolnahay madaxweynaha waxaan u soo jeedin lahaa:
1- Gobalka aan daganahay waxa uu ka mid yahay mandaqadaha huraya ee adduunka ku yaalla (global hot places), maana u baahna maanta wax kale oo qayb ka noqda inuu sii huro, se waxa uu baahanyahay cid qeyb ka noqota. Sidaa darteed waxaa laga maarmaan ah in madaxweynuhu la yimaado siyaasado jilicsan oo ka duulaysa danaha waaweyn ee dalka, maxaa yeelay niyadaha san weey maquuriyaan waddamada sida dabaylaha gacsan u dajiyaan maraakiibta.
2- Dawladaha dariska ah ee ciidamadoodu waddanka dhax mushaaxayaan waxay u baahanyihiin in loola dhaqmo si xikmad, xeelad iyo xirfad ku dheehantahay, gaar ahaan Itoobiya oo muddo dheer kula dhaqmaysay—haddana kula dhaqnta—dalkan siyaasadqoqob ku salaysan (balkanized politics). Waxayna sidaas u samaynaysaa sidii ay u ilaashan lahayd danaheeda jiyo-bolatiika ah.
3- In habka lagula tacaamulaya Itoobiyo uu noqdo waxa loo yaqaan Fiilaandaynta (findlandization process) oo ah in waddan loollan la galin waddan dariskiisa oo ka xoog badan, taas macnaheedu ma ahn inaad had iyo jeer raali-garayn ku jirtaa danahaadana ka tanaasushaa ee waa inaad is qarisaa waqtigaadana gorgortan galisaa.
Taxadiga heerka caalami ee waddanka ku wajahan waxaan madaxweynaha u soo jeedin lahaa:
1- Waxaa korarayo danaynta waddanka la danaynayo, dawladuhuna waxay tartan ugu jiraan sidii ay Soomaaliya uga heli lahaayeen meel ay cag dhigtaan, sababo la xariira sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen khayraadka dalkan laga filanayo iyo meesha istiraatiijiga ah ee uu adduunka uga yaallo. Sidaa darteed, waa in si caqli ku jiro loo maalgashtaa danaynta adduunku Soomaliya danaynayo.
2- Taageerada adduunku na taageerayo waa in ay noqotaa mid la jaanqaaddo danaha guud ee waddanka ee aanan noqon qoryo shida danaha dalal kale.
3- In dalku uusan noqon meel ay ku ciyaaraan dalalka uu ka dhaxeeyo hartanka ku dhisan jiyo-bolitikada (geo-political conflicts), maxaa yeelay haddii aan hartankaas aan il dheer u yeelan weyno, oo aan dhareerka u daadino dheefta yar ee waddamadaas bixinayaan waxaan noqon doonaa kubad kolba dhinac loo laado.
Ugu danbayn waxaan hadalkayga ku soo ebyayaa sheeko yar oo dhex-martay Cumar Bin Khadaab iyo Cali Bin Abii Daalib oo ahayd marka la keenay qaniimadii boqortooyadii Kisra ee Faaris ayuu Cumar Bin Khadaab ooyey oo yiri: “waxaan la yaabay iimaanka raggii qaniimadan keenay.” Cali ayaa ku yiri: “ Amiirki mu’miniintoow waad dhowrsanaatay kolkaasay raciyadu dhowrsanaatay, Ilaah baan ku dhaartay e haddii aad daaqi lahayd iyaguna way daaqi lahaayeen.” Sidaa darteed, madaxweyne musuqu waxa uu ka soo bilaabmaa halka ugu sareeyso, haddii aadan taaban hantida guud, kuwa kaa hooseeyna ma taaban doonaan.

Halkaan kala soco Wararka

.