Tirada dhimashada doomihii ku degay xeebaha Jabuuti oo korortay

0

Laanta Qaramada Midoobey ee u qaabilsan muhaajiriinta ayaa sheegtay in meydadka 52 qof laga soo saaray badda kaddib markii labo doonyood oo ay saarnaayeen dad muhaajiriin ah ay ku dageen xeebaha dalka Jabuuti.

Ha’yadda IOM waxay sidoo kale sheegtay in 16 qof laga soo baadbaadiyay badda.

Doomaha ayaa waxaa saarnaa rakaab xad dhaaf ah, waxay ay dageen markii 30 daqiiqado kaddib ay kasoo dhaqaaqeen xeebaha deegaanka Godoria ee ku yaalla gobolka Obokh ee waddanka Jabuuti.

“Dhacdadan masiibada ah waxay muujineysaa khatarta ay galayaan muhaajiriinta tabaaleysan ee nolol wanaagsan doonka ah” ayay tiri Lalini Veerassamy oo ka tirsan ha’yadda IOM.