OGEYSIIN DADWEYNAHA Gobolka Benaadir Dowlada Hoose ee Muqdihso

0

Maamulka Gbolka Benaadir

Dowlada Hoose e Muqdihso

 

Mashruuca Soo Kabashada Dhismaha Magaalada Muqdisho

Somali Urban Resilience Project

Enviromental & Social Management Framework(ESMF)  disclosure / Ogaysiis Nidaamka Deegaanka iyo Maareynta Arrimaha Bulshada (ESMF)   

OGAYSIIS

Public Notice

                                                                                                            Taariikhda:

 

Dawladda Hooseee Muqdisho waxay bilaabi doontaa hirgelinta Mashruuca Soo Kabashada Dhismaha Magaalada Muqdisho (SURP) maalmaha soo socda. SURP waa mashruuc heer Qaran ah oo ujeedadiisu tahay in la tijaabiyo Isticmaalka Nidaamka Maaliyadeedee Dawladda (PFM) ilaa heer qaran iyo xoojinta awoodda Dawladaha Hoose. In kastaoo wax qabadyada bilowga ah ay kabilaabi doonaan Muqdisho iyo Garoowe magaalooyin ka oo loo diyaariyay darteed. Dawladdu waxay cadaysay in ay rabto in mashruuca lagu balaariyo dhamaan deegaanada maamul goboleedyada hadba ayadoo loo egaayo dhaqaalaha loo helo.

 

Magaalada Muqdisho,  Mashruucan wuxuu ka koobnaan doonaa dhisida 19 jidadxaafadeed ee kukala yaala degmooyin ka Cabdicaziiz, Xamar-weyne, Xamarjabjab, Shangani, Bondheere, Warta Nabada iyo Hawlwadaag. Marka lagareebo dhismaha waddooyinka, mashruucan waxaa logou talagalay inuu kobciyo awoodda degmooyinka iyadaoo loo kaashanaayo Kooxda Hirgalinta Mashruuca (PIU) oo ka kooban khabiiro ku takhasusay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Maamulka-Maaliyada iyo Iibka.

 

Mashruuca waxaa maamula Bangiga Adduunka waxaana maalgeliya Dowladda Jarmalka iyadaoo loo marayo Sanduuqa Deeqaha Soomaaliya. Sida kuxusan siyaasadda Bangiga Adduunka, waxaa loo baahanyahay in mashruucan loo diyaariyo Siyaasada iyo Nidaamka Deegaanka iyo Maareynta Arrimaha Bulshada (ESMF). Dukumiintigani wuxuu muujinaayaa mabaa’diida iyo hababka la raacayo si loo hubiyo ilaalinta degaanka iyo deegaanka xiliga la hirgelinayo mashruuca. Dukumintiga waxaa ku jira muuqaal guud oo ku saabsan xaaladaha deegaanka mashruuca, wuxuu kaloo tilmaamayaa saameynta ay ku yeelan karto, tallaabooyin yareynkara, shuruudaha dhisidda ee lagama maarmaanka u ah si loo suurta geliyo koox fulisa shaqada xili kuhaboon iyo qorshe maaliyad u go’an. Macluumaadka ku jira wuxuu noqon doonaa aasaaska xulashada mashaariicda dhismaha mashaariicda magaalooyinka kaa soo lagu sameyn doono qiimeyn dhinaca saameyn ta deegaan kaiyo bulshada (ESIA) inta lagu jiro wajiga koowaad ee naqshadeynta. ESMF dhamaanteeda waxaa laga heli karaa xarumaha degmooyinka iyo xafiiska mashruuca ee Uffico Governo.

Mashruuca (SURP) waxay ku dhisnaa hawlaha diyaargarawga ee lagu fuliyay mashruuca Maalgalinta Maagaalada Muqdisho, kaa soo lagu diyaariyay horudhac daraasadaha iyo naqshadaha 31 da  jidad xaafadeed ka Magaalada Muqdisho. Shaxdan hoose waxay muujineysaa 31 wado Xaafadeedka lagu sameeyay daraasada xiligii Mashruuca Hirgalinta Maalgalinta Dhismaha Magaaalooying ka (SUIPP).

 

Table 1: 31 JidadeelagusameeyayaDaraasadaXiligii SUIPP

Numbarka. Degmada MagacaJidka Dhererka(Mitirahaan)
1 Abdiaziz Agoonta 516
2 UNDP 465
3 Bondhere BintiFoodey 305
4 IsbitaalkaJarmalka 325
5 DaafAlleeley 405
6 Daynile FornadaRootiga (Jawil) 950
7 Dharkenley Sandheere 1,218
8 HamarJajab Wiikiyo (Simad) 355
9 Xamarjajab 410
10 Fartaag 325
11 HamarWeyne Ex-post 200
12 HamarWeyne School 296
13 Cadeyga 565
14 Howlwadaag CeelGarweyne 1000
15 Hodan MohamoudSabrie 765
16 Hodan Bashir Lugey 615
17 Huriwa Fadhi-xun 958
18 Kaaran Fagax 1,000
19 Kaxda Kalkaal 1,065
20 Shangani Madbacada 310
21 Sharif Abow 170
22 Ceymiska 160
23 Degmada 100
24 TodobatanTalo 290
25 Shibis WadadaUnsey (Markiliyoni) 750
26 Warshiq (Alnur) 565
27 Waberi Abu Musa Ala Hari 1,000
28 Wadajir HawoTako/Bar 950
29 Warta Nabada GaroonkaMinishibiyo 530
30 Mire Ali Bubal 660
31 Yaqshid Bismillah 970

 

Horudhaca lagu diyaariyay Naqshadeynta Injineernimada ee xiliga Mashruuca SUIPP ayaa saldhig u ah diyaarinta naqshad faahfaahsanoodhamaystiraniyodukumiintiqandaraasyadaiyosidoo kale soo iibsiga iyo kormeerida qandaraasyada madaniga mashaariicda dhexeee Muqdisho ee hoos yimaadda mashruuca SURP. Sababo dhaqaaleli’i, awgeed wajiga kowaad ee Mashruuca SURP wuxuu kaliya maal-galin doonaa dhismaha waddooyinka 19-ka jid ee lagu sameeyay daraasada xiliga SUIPP.

 

Dadka ugu dhow ee kafaa’iidaysan doona mashruucan waa dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo laga hirgalin doono dhismaha  Wadooyinka.

Waxaa lagu qiyaasaa in shaqaalayn qiyaastii 330 qof lagu abuuri doono dayactirka/dhismaha waddooyinka lagu dhisi doono 19 jidad. Waxaa kalo kafaa’iididoona Shaqaalaha Dowlada Hoose dhinaca dhisidda aqoontooda.

Hawlaha Suurto galka ah ee mashruuca, taa soo ESMF la fulin doono waxaa ka mid ah:

  • Ka saarida Buushash ka, dhagxaanta waaweyn, cawska iyo waxyaabaha caqabadaha yaree ku yaala balaca jiddka daafihiisa;
  • Maqnaanshaha qulqulka biyaha, dib u celinte nidaamka Biyaha-mareenada dhulka hoostiisa;
  • Kasaarida agab kaaan haboonayn, diyaarinta wadada iyo darajadeeda
  • Dhismaha lakabka-hoose ee dhagaxa ama dhagaxa la jajabiyey;
  • Ku rakibidaDhagaxa isku-xirxiris ah oo ay kujiraan camuuda loogu talagalay in lagu labeeleeyo; iyo
  • Xakamaynt adhigida dhagxaanta

 

Waxay u badan tahay in si kumeel gaar ah loo geyn doono dhulka laga dhisaayo jidadka; qalabka dhismaha, gawaarida mashruuca iyo agab yada kale..

 

Iyadoo la raacayo shuruudaha Baanka Adduunku waa in la diyaariyo Siyaasada iyo Nidaamka Deegaanka iyo Maareynta Arrimaha Bulshada (ESMF) iyadoo la samynaayo latashiga Bulshada oo ay ka mid yihiin dadka daneeya mashruuca, hay’adaha dawliga ah, dadka degaanka iyo ururrada bulshada ee degen/kahawl-gala/ku leh xuduud degaanka uu laga hirgalinaayo mashruuca. Nidaamka latashiga Bulshada wuxuu bilowday 17 ka May 2016  ilaa Janaayo 2017

 

  1. Siyaasada Nidaamkan wuxuu bixin doonaa baaritaan hore, iyo qiimeyn mashaariicda dhexe ee hoosyimaada mashruucan.
  2. Wuxuu qeexayaa siyaabaha lagu qiimayn doono arimaha deegaanka iyo bulshada sida barnaamijka ESIA iyo Qorshaha Maareynta Deegaanka (ESMP) loo baahan yahay si loo helo ogolaanshaha bangiga aduunka;
  3. Wuxuu dejinayaa shaqada lagu fulinayo siyaasadaha ESIA/ESMP si loo diyaariyo mashruuc yada dhexe ee hoos yimaada ;

Wuxuu sharxayaa sida ay hayaduhu u fulin lahaayeen habkahay’adeed ee hirgelinta Siyaasada iyo Nidaamka ESMP, wuxuu kaloo tibaaxayaa nidaanka tayanta kor u qaadida aaqoonta Kooxda Hirgalinta mashruuca si ay u fuliyaan kaalintooda ku aadan Siyaasada iyo Nidaamka ESMP.