Trump oo ku hanjabay in mareykanka uu ka baxi doono ururka ganacsiga Aduunka

0

Madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in dalkiisa uu ka bixi doono ururka ganacsiga aduunka hadii wax laga badali waayo hanaanka ganacsi ee mareykanka.

Trump oo wareysi siinayay warbaahinta Bloomberg ayaa sheegay hadii aan qaabeyn lagu sameyn WTO ay dowladiisa isaga bixi doonto.

Ururkaan ayaa markii hore waxaa loo aas aasay in uu sharciyo u dajiyo ganacsiga caalamka iyo xalinta qilaafka la xiriira ganacsiga ee u dhaxeeya dowladaha.

Balse Trump oo dabada ka riixayay isbadalo lagu sameeyo hanaanka siyaasadeed ee suuqa ganacsiga Aduunka ayaa ka cowday in mareykanka si aan cadaalad aheyn lagula dhaqmo.

Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in daladan oo la yagleelay sanadii 1994-tii ay aheyd heshiiskii ugu xumaa ee dhanka ganacsiga oo mareykanka galo.

Trump ayaa qiray in mareykanka uu ku guuleystay xukuno qaldanaa oo dhanka ganacsiga ah sanadkii la soo dhaafay.

Hogaamiyaha Mareykanka ayaa ugu danbeyn carabka ku dhuftay in ay suura gal tahay in mareykanka uu isaga baxo ururka ganacsiga aduunka hadii ay xal u keeni waayaan qilaafka ganacsi ee sii baahaya ee ka Jira dunida.

Dhanka kale mr Robert Lighthizer oo xubin uga ah mareykanka ururka ganacsiga aduunka ayaa ku eedeyay in ururka uu marwalba lidi ku yahay heshiisyada ganacsi ee ka dhanka ah mareykanka iyo dowladaha kale