Tuka-raq: Isgaarsiinta oo Hawada ka maqan iyo Dagaal markale laga cabsi qabo

0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay maanta ka jirto xaalad degaansho oo aan Cagobadan ku taagneyn.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka marka laga reebo dagaalkii xalay dhacay hadda ma jiro wax dagaal ah oo socda.

Ilaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaladan dhacay waqtiyada kala duwan, inkastoo labada maamul ay guulo ka kala sheegteen dagaaladan.

Dadka ku dhow Tukaraq ayaa xaqiijinaya in ay hawada ka maqan tahay Isgaarsiintii oo aan la ogeyn cidda Labada maamul ee sida dhabta ah u jartay ama haddii ay jiraan cillado soo gaaray qalabkii isgaarsiin ee halkaasi yaallay.

Wararkii ugu dambeeyay ee  naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ayaa sheegaya in labada ciidan ay soo kala gaareen gurmadyo ciidan oo ka kala yimid magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.